Guddiga doorashada dalka oo Gudoomiye ku meel gaar ah doortay iyo Cirro oo iscasilay

0
Saturday July 03, 2021 - 09:29:37 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1698
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddiga doorashada dalka oo Gudoomiye ku meel gaar ah doortay iyo Cirro oo iscasilay

    Goobta lagu doortay guddoomiyaha ku meel gaarka ah waxaa ku sugnaa guddoomiyahii hore

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Goobta lagu doortay guddoomiyaha ku meel gaarka ah waxaa ku sugnaa guddoomiyahii hore



Kulan rasmi ah oo ay maanta yeesheen guddiga hirgelinta doorashooyinka heer Federaal ayaa u doortay Mudane Muuse Geele Yuusuf gudoomiyaha kumeel gaarka ah ee guddiga.

 

Guddoonkaan cusub ee ku meel gaarka ah ayaa hawshiisu tahay qaban qaabada iyo qabashada gudoonka guddiga Qaran ee hagaya doorashada.

 

Sidoo kale gudoomiyaha ayaa dhisay guddi ka kooban shan(5) xubnood oo qabanaya doorashada gudoomiyaha iyo gudoomiye ku xigeenka oo dhici doonta maalinta Axadda ee ku beegan 4-July-2021.

 

Goobta lagu doortay guddoomiyaha ku meel gaarka ah waxaa ku sugnaa guddoomiyahii hore ee guddiga Maxamed Xasan Cirro, kaaso goobta isaga casilay xilkii guddoomiyenimo, islamarkaana sheegay inuu ku wareejiyay guddoomiyaha cusub uuna la shaqeyn doono.

Shacabka Soomaaliyeed iyo waliba Beesha Caalamka ayaa il gaar ah ku wada eegaya qabsoomida doorasho loo dhan yahay oo dalka ka qabsoonta, taas oo laga sugayo Raysal wasaaraha Soomaaliya.

 

Lama oga shaqsiga oo noqon doono gudoomiyaha cusub ee guddiga doorashooyinka kaa oo saameyn weyn ku yeelan doono doorashada Soomaaliya.

 


Loading...
Loading...