Bollywood: Muxuu ahaa go'aanka dowladda ee ka careysiiyay Farhan Akhtar iyo jilayaal kale

0
Saturday July 03, 2021 - 09:24:50 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1060
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Bollywood: Muxuu ahaa go'aanka dowladda ee ka careysiiyay Farhan Akhtar iyo jilayaal kale

    Tani waxay ka dhigan tahay in dowladdu ay kala noqon karto ruqsadda filimada qaar- iyadoo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tani waxay ka dhigan tahay in dowladdu ay kala noqon karto ruqsadda filimada qaar- iyadoo



Soo saarayaasha Aflaanta Bollywood ee dalka Hindiya ayaa ka carooday sharciyo ay dowladda soo jeedisay oo ay ku sheegeen in dowlada ay dooneyso inay yeelato awoodo badan oo faafreeb ah.

 

Isbeddelada, haddii la meel mariyo,waxay ka dhigan tahay dowladda inay "dib-u-baari karto" filim ay horay u fasaxeen guddiga ansixiyo filimaanta ka hor inta aan la baahinin.

 

Soo saarayaasha filimada Bollywood ayaa sheegay in sharcigan cusub ee lagu soo rogi rabo uu yahay mid lagu weerarayo xorriyatul qowlka.

 

Filimada si guud looma soo bandhigi karo ilaa ay fasaxaan guddiga oo xarunteedu tahay magaalada Mumbai isla markaana xafiisyo goboleed ku leh guud ahaan dalka.

Soo saarayaasha Aflaanta Bollywood ayaa waxay la dagaallamayeen faafreebka muddo tobanaan sano ah.

 

Filima badan ayaa la mamnuucay oo laga joojiyay in laga sii daayo tiyaatarada iyo xafladaha, taas oo inta badan ku qasabta agaasimayaasha inay sameeyaan dib u eegis lagama maarmaan ah.

 

Sababaha ayaa ah eedeymo cay ama aflagaado ah oo ku jira heesaha ama muuqaallo qaawan ama galmo ah kuwaas oo muran weyn dhaliyay.

 

Soo saarayaasha filimada ayaa ka cabsi qaba in sharciyada cusub ee ay soo bandhigtay dowladda BJP ee uu hogaamiyo Narendra Modi ay shaqadooda ka dhigi doonto mid cakiran.

 

Sharcigan cusub ee loo yaqaano "xeerka cusub ee filimada 2021" ayaa dowladda siinayo awood ay dib u eegis ugu sameeyaan filimada soo socda iyo kuwii horaba.

Tani waxay ka dhigan tahay in dowladdu ay kala noqon karto ruqsadda filimada qaar- iyadoo lagu saleynayo cabashooyinka daawadayaasha - xitaa haddii guddiga faafreebka uusan u arkin wax dhibaato ah.

 

Horraantii toddobaadkan, koox jilayaal iyo filim soo saarayaal ah ayaa warqad ay qodobadaas ugu soo horjeedan u diray dowladda.

 

Warqada waxaa saxiixay 140 xubnood oo uu kujiro filim soo saare Anurag Kashyap iyo jilayaal sida Nandita Das, Shabana Azmi iyo Farhan Akhtar.

 

Waxay sheegeen in isbeddelada ay dhibaato hor leh ay u horseedi doonto soo saarayaasha filimada iyo shirkadaha sameeya aflaanta.

 

"Tani waxay sidoo kale ka dhigeysaa filim soo saarayaasha inaysan awood ku lahayn oo ay u nuglaan doonaan hanjabaadaha dadka dhaliilaya howshooda."

 

Si kastaba ha noqotee, Shyam Benegal, oo ka mid ah agaasimayaasha sida weyn loogu dabaaldego Hindiya, ayaa sheegay in sharciyada la soo jeediyay ay "wanaagsan yihiin, oo aysan jirin dhibaatooyin waaweyn".

 

"Haddii filim shahaado la siinayo, taas macnaheedu maahan inay weligeed jiri doonto ... Sidaa darteed, waxaa jira waxyaabo qaarkood ay ansax ahaayeen hal mar mana laga yaabaa inay maanta ansax yihiin. Sidaa darteed dib u xusuusashada filimada [ dib u eegis kale] ma ahan wax weyn, "Benegal ayaa sidaa u sheegay wargeyska Hindustan Times.

 

Xukuumadda Mr Modi ayaa waxaa soo foodsaaray cambaareyn isa soo taraysa oo uga timaada dadka u ololeeya xuquuqda aadanaha iyo hogaamiyaasha mucaaradka oo lagu eedeeyay in ay faafreebaan falalka xorta ah ee qoriyatul qowlka ah iyo caburinta mucaaradka.

 

Dowlada ayaa sidoo kale soo bandhigtay sharciyo cusub oolooga dalban kara shirkadaha tikniyoolajiyadda iyo kuwa warbaahinta bulshada inay saaran ama bixiyaan waxyaabaha ku jira haddii ay weydiistaan hay'adaha ​​sharci fulinta ama hay'adaha garsoorka.



bbc/Somali

Loading...
Loading...