Madaxweynaha deegaanka Soomaalida Itoobiya oo digniin u diray shacabka Maamulkiisa

0
Friday July 02, 2021 - 16:51:41 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1756
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha deegaanka Soomaalida Itoobiya oo digniin u diray shacabka Maamulkiisa

    Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya oo digniin u diray shacabka Maamulkiisa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya oo digniin u diray shacabka Maamulkiisa


Hargeisa(HWN):-Madaxweynaha dowlad-deegaanka Soomaalida dalka Itoobiya Mustafe Maxamuud Cumar (Cagjar) ayaa sheegay inaanay marnaba u dul-qaadan doonin Shaqsiyaad uu sheegay iney la shaqeeyaan ama taageeraan Ururka TPLF, ee ka dhex dagaalama gudaha dalka Itoobiya.
Mustafa Cagjar oo Isbedel Ku Sameeyey Hoggaanka Nabadgelyada - Halgan Media | Online Somali News Wire


Madaxweyne Mustafe Maxamuud Cumar oo kulan la yeeshay golaha fulinta dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa sheegay in Sanado badan dhibaatooyin kala duwan oo dhanka Dhaqaaha iyo Bulshada Soomaalida ay ku hayeen Ururka TPLF, isla markaana aan la aqbali karin in mar kale dib uga soo dhex muuqdaan gudaha deegaannada Maamulka Soomaalida Itoobiya.

Madaxweyne Cagjar ayaa sidoo kale sheegay in si weyn loo adkeeyay Amniga dhammaan magaallooyinka dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, isla markaana sheegay in talaabo adag ay ka qaadi doonaan cidii lagu arko taageerada TPLF.

Gabagabadii Madaxweynaha dowlad-deegaanka ayaa shacabkiisa ugu baaqay iney xasuusnaadaan Xasuuq uu sheegay iney hore uga geysteen Ururka TPLF gudaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Loading...
Loading...