Taariikhda Sayid Maxamed Cabdulle Xasan

0
Friday July 02, 2021 - 11:54:52 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 5028
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Taariikhda Sayid Maxamed Cabdulle Xasan

    Guushaas weyn ee la gaaray Juun iyo Luuliyo wuu ka dheeraa halganka, wuxuu soo socday 61 sano

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guushaas weyn ee la gaaray Juun iyo Luuliyo wuu ka dheeraa halganka, wuxuu soo socday 61 sano


Qarnigii labaatanaad soomaalida wuxuu u ahaa qarni taariikhdeeda ka tilmaaman, qarni ay soomaalidu ka dhabeysay halgan gobanimo oo uu rag door ahi maal iyo nafba u huray. Juun lix iyo labaatankeedii markii ay woqooyiga xoroobeen iyo waa koowdii Luuliyo markii ay koonfurta iska qaaday gumeystahii haystay. Halgankaas dheer ee lasoo maray soow kuma haboona in aan la ilaawin oo jiilka hadda jooga iyo kan danbe lagu anqariyo, ka sokoow xirashada maryaha astaanta soow raggii dhiigga usoo daadiyay ee gobanimada u alleystay inaan xusid ha joogtee aan mar uun maanka ku heyno maaha.
Guushaas weyn ee la gaaray Juun iyo Luuliyo wuu ka dheeraa halganka, wuxuu soo socday 60 sano iyo dheeraad, dabkii uu sayid ka shiday haba shiiqee marnaba ma bakhtiyin. Wuxuu halgamaagu waranka kor u hayo oo gumeyste door ah gabawaro ba labaatameeyadii ayuu salka dhulka ku dhuftay, gees ka gees waxaa farxad la jaameeyay cadowgii midiyaha u lisanaayay inuu gumeysto gayigii soomaalida, haduuse ingiriis mooday inuu cirib tiray jihaadkii halgamaaga wuu marin habaabay, waxaa dubaaqa soomaalida ka bixin markuu darwiishka lahaa:-
Awyaalow ma diiddeen jahaadka maw dareertaan?
Warma danana iyo seef, degta maad ku qaaddaan?
Darmaan haad la qooqdiyo, Doolaab maa u fuushaan!
Wiyilka diirkaqaadkaa. bidixda mawgu dadabtaan
Doobbiga xammalkaa, dakarka maa ka goysaan
Daacufleyda madidaa, degdeg maw xabbaadhaan
Idinkaa dalkaba lehee, dowlad maw ahaataan
Illeyn doqoni calaf ma leh, dulbaax maxaa ka baylahay!
Dad gobanimo doonka lagu daabacay ayay ahaayeen kuwaas oo laabta ay holcineysay ereyadii jeerkaas uu wadaadku dhaxal ahaan kaga tagay soomaalida. Wuxuu dhab ugu sheegay in dul madoobe ha joogtee aysan qaayibin inyar oo gumeysi ah dalkoodana u taliyaan. Ma qof aan laabta ku hayn ayaa jira markuu lahaa
Dagaalkii nasaarada anaa, daalib ku ahaaye
Dalka ma lihid anigaa ku iri, doora weynaha e
Daliilkii Rasuulkii anaa, doonayoo helaye
Anaa diiday maantuu lahaa, deeqan iga hooye
Diinkayga anigaan ku gadan, dabaqi naareede
Anaan labada daarood tan hore, derajo moodayne
Markay duushay gaaladu anaan, daabbaddu rarine
Goortay dareeraan anaan, diiradduu qabane
Anigaan dariiqiyo waddada, dowga sii marine
Anaan doora-weynow kufriga, daacadnuu galine
Wuxuu waayuhu isbadbadala ba ugu danbeyn soomaalida halgankii wadaadka inuu dhayal noqdo waa ka dhiidhiyeen oo allahaw wada naxariistii waxaa dhameeystiray rag kale oo leegada iyo isugu jira soomaali weyn tii astaanta u ahayd gobanimada afrika.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...