Waa Kuma Jenaraalka Ka Dambeeya Guulaha Ay Gaartay Jabhadda Tigray
Waxaa markii labaad noolashiisa kacdoon hubaysan oo ka dhan ah dowladda Itoobiya ka wada buuraha Tigray janan ka tirsanaa milateriga dalkaas, sida uu qoray falanqeey Alex de Waal.
Taliyaha xooggaga Tigray, Jenaraal
Tsadkan Gebretensae, ayuu qoraaga ku tilmaamay mid kamid ah ragga jiilkiisa
Afrikaanka ah ugu wanaagsan dhanka istaraatijiyadda milateriga.
68 jirkan ayaa sanadkii 1976 ka tegay
jaamacadda Addis Ababa oo uu ka baranayay maadada Biology, waxaana uu ku biiray
igray People's Liberation Front (TPLF). Xilligaas jabhadda ayaa dagaal kula
jirtay dowladdii Mengistu Haile Mariam.
Qiimeyntiisa, xirfaddiisa abaabul iyo
sida uu u so jiidan jiray kalsoonida dagaalyahannada ayaa ka dhigtay in sanado
gudahood uu kamid noqdo ragga ugu magaca weyn taliyayaasha jabhadda.
May 1991, Jen Tsadkan oo hoggaaminaya xooggagii TPLF iyo Eritrean taabacsan ayaa gacanta ku dhigay caasimadda Addis Ababa, waxaana ay xilka ka tuureen Mengistu
Waxa uu ku guulaystay in xooggagii TPLF
ee qabsaday caasimadda ay sugaan ammaanka, isla markaana ay ilaaliyaan kala
dambeynta iyo hawlaha dowladda. Saddex maalmood kadib markii ay caasimadda
galeen 28-kii May 1991, waxaa si habsami leh mushaaraadkoodii loo siiyay
shaqaalaha dowladda.
Duulaankii Gedo
Todobadkii sano ee xigtay, Jen Tsadkan,
ayaa hormuud u ahaa dib u dhiska ciidamada Itoobiya. Waxaa xilligaas loo
dalacsiiyay darajada Jeneraal.
Waxa uu dib ugu laabtay
waxbarashadiisii, isagoo shahaadada MBA ka qaatay jaamacadda Open University ee
UK.
Xilliyadaas waxa ay xaalad amni darro
xooggan ah ka jirtay dalal ku yaal Geeska Afrika. Jananka ayaa sanadkii 1996
milateriga Itoobiya u diray gobolka Gedo ee Soomaaliya si ay ula dagaallamaan
ururkii Al-Itixaad ee saldhigyada ku lahaa gobolkaas.
Waxa kale oo uu si qarsoodi ah
ciidamadiisa u geeyay gudaha Sudan si ay u taageeraan jabhaddihii ku kacsanaa
Cumar Xasan Al-Bashir.
Xilka ayaa laga qaaday
Jen Tsadkan ayaa muddo dheer aaminsanaa
in Madaxweynaha Eritrea, Isaias Afewerki, uu halis muuqata ku yahay Itoobiya,
arrintaas oo ay ku diideen qaar badan oo kamid ah hogaanka TPLF.
Jananka ayaa ahaa ninka qorsheynta u
qaabilsan milateriga Itoobiya markii uu qarxay dagaalkii uu dalkiisa la galay
Eritrea 1998. Waxa uu ahaa dagaal ba'an oo ay ku dhinteen ku dhawaad 80,000 oo
qof oo labada dhinac ah.
Jen Tsadkan ayaa doonayay in ciidamada
Itoobiya ay galaan caasimadda Asmara, balse waxaa qorshahaas ku gacan-sayray
Ra'iisal wasaarihii xilligaas, Meles Zenawei.
Dagaalka kadib, waxa ay kala qeybsanaan
xooggan soo dhex-gashay hogaanka TPLF. Meles ayaa xilka ka qaaday Jen Tsadkan
oo markaa ahaa taliyaha ciidamada Itoobiya.
Intii muddo ah, waxa uu jananka la
qabsan la'aa noolashada shacabnimada. Muddo kadib waxa uu shaqo ka helay
hay'adda UK u qaabilsan horumarinta caalamka. Sidoo kale waxa uu noqday ganacsade,
isagoo warshad khamri ka sameystay magaalada uu ka soo jeedo ee Raya, galbeedka
Tigray.
Soo dhoweyntii Abiy
Qeyb kamid ah saaxibbadiisa TPLF ayaa ku dhaliilay inuu soo dhaweeyay magacaabista Abiy Axmed oo 2018 noqday ra'iisal wasaaraha Itoobiya. Waxa uu xilligaa sheegay in uu diyaar u yahay la shaqeynta Abiy.
Sanadkii 2019 waxa uu qeyb ka noqday
koox ku dedaalaysay inay dhexdhexaadiso Abiy iyo TPLF, balse waxa uu isaga
baxay sanad ka hor, isagoo sheegay in ra'iisal wasaaraha aanay ka go'neyn inuu
si nabad ah ku xalliyo khilaafka.
Markii uu billowday cadaadiska ka
dhanka ah mas'uuliyiinta Tigray, jananka ayaa waxa uu u wareegay magaalada
Mekelle.
Bishii November 2020, waxaa billowday
dagaalka Tigray. Jen Tsadkan oo u muuqda inuu dhinac iska dhigay khilaafka kala
dhexeeya TPLF ayaa ku biiray jabhadda iska caabinta.
Dhalinyaro badan oo ka caraysan
tacaddiyada ka dhacaya gobolkooda ayaa ku biiray jabhadda. Waxaa sidoo kale
hubka qaatay rag da' ah oo horay u diidanaa nidaamka TPLF.
Dowladda Itoobiya oo jananka iyo
saraakiil kale ku eedaysay khiyaano qaran ayaa amartay in la soo qabto.
Guulaha milateri
Jabhad iska caabin oo la magac baxday
Tigray Defence Forces (TDF), ayna ka mid yihiin dagaalyahannada TPLF iyo kuwo
kale ayaa dagaalka kula jirta ciidamada Itoobiya.
Jen Tsadkan ayaa kamid ah taliska
dhexe ee jabhadda, waxaana uu dowr muuqda ku leeyahay hawlgallada milateri.
Bishii January waxa uu jananku sheegay
in "jabhadda ay xaaladdu ku adag tahay." Waxaa lagu baacsanayay
buurleyda Tigray, dagaalyahannada jabhaddana waxa ay wateen hub fudud.
Balse si layaab leh ayay ugu soo
rogaal celiyeen ciidamada Itoobiya iyo Eritrea ee is bahaysanaya. Jananka ayaa
ka gaabsaday in uu sheego tirada dagaalyahannada uga dhintay colaadda.
Muddo afar bilood ah, dagaalyahannada
jabhadda ayaa isku garab waday tabar iyo dagaallo toos. Jen Tsadkan iyo
taliyayaasha kale ayaa go'aamiyay in xooggagooda ay si wanaagsan isaga caabin
karaan cadowgooda.
17-kii June, xooggada TDF ayaa qaaday duulaan dhinacyo badan leh, waxaana ay shaaciyeen inay cagta mariyeen qeybta sideedaad ee ciidamada milateriga Itoobiya, sheegashadaas oo ay beenisay xukuumadda Addis Ababa.
Alex de Waal waa agaasimaha fulinta ee hay'adda World Peace Foundation ee Fletcher School of Law and Diplomacy, Jaamacadda Tufts ee Maraykanka.
BBC