Wasiirka Warfaafinta Somaliland Oo Farriin Hambalyo Ah U Diray Dhalinyarada Laascaanood Iyo Boorama

0
Thursday July 01, 2021 - 22:57:31 in News by A. Asbaro
  • Visits: 2167
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Warfaafinta Somaliland Oo Farriin Hambalyo Ah U Diray Dhalinyarada Laascaanood Iyo Boorama

    Wasiirka Warfaafinta Somaliland Oo Farriin Hambalyo Ah U Diray Dhalinyarada Laascaanood Iyo Boorama

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Warfaafinta Somaliland Oo Farriin Hambalyo Ah U Diray Dhalinyarada Laascaanood Iyo Boorama


Hargeisa(HWN):-Wasiirka Warfaafinta Somaliland Saleebaan Cali Koore ayaa Hambalyo u diray qaar ka mida Dhalinyaradda Boorama iyo Laascaannood oo muuqaalo iska soo duubay, iyagoo ku Lebisan Calanka Somaliland.



Wasiirka Warfaafinta Somaliland Saleebaan Cali Koore ayaa sheegay in Dhalinyaraddaas muujiyeen dal jacayl iyo wadaniyad, kuwaasoo ku ammaanay talaabadda ay qaaddeen oo dhiiri-gelin u ah guud ahaan Dhalinyaradda Somaliland.

"Waan Hambalyeeynayaa dhalinyarada Boorama iyo Laascaanood oo soo bandhigay Barnaamijyada ay ku muujinayan dal jacaylkooda" Ayuu yidhi Mr. Koore

"Dhalinyaraddani waxay iska diiddeen Dhalanteedka iyo Indho sircaadka kolba Cadowgu u soo maleegaayo" Ayuu hadalkiisa raaciyay.

Wasiirka ayaa dhammaan dhalinyarada Somaliland ku booriyay inay isku duubnaadaan oo ay Somaliland jecladaan.

"Dhalinyarada Somaliland waxan leeyahay isku duubnaada oo dalkiina jeclaada" Ayuu yidhi

Qaar ka mida dhalinyarada ku dhaqan Boorama iyo Laascaanood, ayaa bilaabay barnaamij ay ugu magac dareen "Kaygu waakan" oo ay ku muujinayaan inay Calanka Somaliland leeyihiin.

Loading...
Loading...