Xisbiga Waddani Oo Xildhibaanada Cusub Ee Wakiilada Uga Digay Lacago Laaluush Ah Oo Ay Dawlada Ka Qaataan

0
Thursday July 01, 2021 - 19:48:51 in News by
  • Visits: 1693
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xisbiga Waddani Oo Xildhibaanada Cusub Ee Wakiilada Uga Digay Lacago Laaluush Ah Oo Ay Dawlada Ka Qaataan

    Xisbiga Waddani Oo Xildhibaanada Cusub Ee Wakiilada Uga Digay Lacago Laaluush Ah Oo Ay Dawlada Ka Qaataan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xisbiga Waddani Oo Xildhibaanada Cusub Ee Wakiilada Uga Digay Lacago Laaluush Ah Oo Ay Dawlada Ka Qaataan

Hargeysa(HWN):-Xoghayaha guud ee Xisbiga Waddani Khadar Xuseen Cabdi ayaa mudaneyaasha la doortay ee Golaha Wakiillada uga digay in ay xukumaddu ku xodxodato Adduun lacageed iyo dano shakhsi ah si ay codkiisa ama taageeradiisa u hesho maaddaama hadda lagu hawlan yahay doorashada hoggaanka Golaha Wakiillada.



 
Qoraal xoghayuhu soo saaray ayaa u dhigan sidan ""Waxa aynu la wada soconnaa in doorashadii inoo dhacday 31-kii MAY ay shacbiga reer Somaliland doorteen Gole Wakiilo oo mucaarad ah, waxaa Xildhibaannada cusub shacabku ugu codeeyeen in ay la xisaabtamaan Xukuumadda, in ay soo saaraan miisaaniyad isu dheeli tiraysa Gobollada dalka, in ay ka shaqeeyaan hore u socodka shuruucda dalkeenna.

Xukuumaddu waxa ay heshay oo codkii shacabku siiyay u goysay 30 Xildhibaan oo KELIYA. Cid kasta oo isku dayda in ay Shir-guddoon aan mucaarad ahayn soo saarto waxa ay inqilaabaysaa oo ay afduubeysaa codkii Shacbka, waxa ay xagal daacinaysaa isla xisaabtankii xukuumadda, waxa ay dabraysaa himilladdii Umaddani lahayd.

Mudane Xildhibaan, haddii lacag laguula yimaaddo ogaw lacagtaasi waa tii laga ururiyey dadkii ku soo doortay, marka laga yimaaddo in ay xaaraan tahay oo cadaab lagu mudan karo, waxa ay noqonaysaa lacag laga xaday dadkii ku doortay oo waddo loogu samayn lahaa oo adiga lagugu iibsaday, Ilaahay idamkii fili maayo in uu jiro Xildhibaan damiirkiisu sidaas u dhintay oo dadkii soo doortay ee bacadka isu taagay wixii laga soo xaday u hunguroonayaa in uu jiro sinnaba.

Loading...
Loading...