Guddoomiye Xigeenka Garabka Haweenka Ee WADDANI Oo Ka Hadashay Dhalinyaro Lagu xidhay Boorama

0
Thursday July 01, 2021 - 17:02:59 in News by A. Asbaro
  • Visits: 2262
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiye Xigeenka Garabka Haweenka Ee WADDANI Oo Ka Hadashay Dhalinyaro Lagu xidhay Boorama

    Guddoomiye Xigeenka Garabka Haweenka Ee WADDANI Oo Ka Hadashay Dhalinyaro Lagu xidhay Boorama

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiye Xigeenka Garabka Haweenka Ee WADDANI Oo Ka Hadashay Dhalinyaro Lagu xidhay Boorama


Hargeisa(HWN):-Guddoomiye ku-xigeenka garabka Haweenka ee Xisbiga WADDANI Marwo Kaltuun Maxamuud Xuseen ayaa ka hadashay Dhalinyarro lagu xidhay magaalada Boorama iyagoo huwan oo sita Calanka Soomaaliya.


Marwo Kaltuun Maxamuud Xuseen waxa ay Wasaaradda Waxbarashadda ku boggaadisay go'aanka ay ku midaysay Dirayska loo qaato Dugsiyadda dalka oo dhan mid gaar loo leeyahay iyo mid dawladdeedba.
Muuse Biixi Doorosho Inuu Qabto Diyaar U Ma Aha ….”Gudoomiye Kuxigeenka Garabka Haweenka Xisbiga Waddani Marwo Kaltuun Maxamud Xuseen”Daawo Muuqal | Berberatoday.com

"Waxaan la hadlayaa Dhalinyaradda reer Somaliland meelkasta oo ay joogaan, waxaan leeyahay markaad wax samaynayso waxa la eegaa maxaad ka faa'iidaysaa. Waxa la iswaydiiyaa ma waxbaad saxaysaa oo dhaliilaysaa, ileen markaad arrin doonayso inaad dhaliisho waa inay noqotaa mid aad wax ku toosinayso oo aad wax ku badalayso, laakiin haddaad samayso arrin aad Nabadgelyaddaada khalkhal ku gelinayso waxba maad sixin oo maad toosin, tusaale ahaan Calanka buluugga ah ee Dhalinyaraddu huwanayso anigu uma arko wax faa'iiddo ah oo halkaa ugu jirta, waayo innaga waxa la ina yidhaahdaa Somaliland, waxaad ku nooshahay Somaliland, dalkaaggu waa Somaliland, makaa Dhalinyaradda waxaan leeyahay Faa'iido huwanaantiisa iyo in lagu xidho oo Boolisku raaddiyo kuugu jirtaa ma jirto.

Waxaan leeyahay Dhalinyaradda reer Boorama waxaad ku sifowdeen hoygii aqoonta iyo waxbarashadda, haku sifoobbina hoygii qaska, arrintaasi wax idin fiican maaha, markaa ha noqonina hoygii qaska." Ayay tidhi Marwo Kaltuun Maxamuud Xuseen.

Waxaannay intaas ku dartay oo ay tidhi "Ilmaha yar ee Dugsiga ku dhigta Boqolka Doollar iyo Ilmihii 20-ka Kun shillinka Somaliland ku dhigaayay inay Wasaaradda Waxbarashaddu isku dirays ka dhigto waa arrin wanaagsan oo aan ku bogaadinaayo Wasaaradda Waxbarashadda iyo Tacliinta sarre, waanna mid Ilmaha iyo Waalidkaba niyaddooda ilaalinaysa"

Marwo Kaltuun Maxamuud Xuseen waxay farriin ku wajahan wax ka qabashadda Maciishada, Caafimaad iyo Korontadda ay u dirtay Muuse Biixi.
"Waxaad arkaysaa qof uu Warqad u soo saxeexay Wasiir oo agaasimihii la meeraalaysannaayo oo uu cagta ku hayo, markaa waxaan leeyahay Madaxweynaha bal agaasimeyaal Wasiirrada ka ammar qaata samee. Ta labaad Madaxweynaha waxaan u dirayaa dalka waxa ka jira dhibaato dhaqaale, markaa farriinta aan kuu soo jeeddinayaa waxay tahay Ganacsatadda kuwa raashinka keenna, kuwa daawooyinka keenna iyo kuwa bixiya adeegyadda Korontadduba waxay u baahan yihiin inaad wax ka qabato, waayo bulshaddu ay fiican tahay ayay dawladduna fiicnaanaysaa. Waxaad arkaysaa Hooyo sadkeeddii go'ay oo Cusbitaal dhex-taalla oo la leeyahay Lix boqol oo Doollar ($600) ayaa lagu qallayaa, xagay ka keenaysaa, xaguuse ka keenayaa, markaa Madaxweyne arrimahaas wax ka qabo oo nooga tag waxaannu berrito kugu xasuusano." Ayay tidhi Marwo Kaltuun Maxamuud Xuseen.

Loading...
Loading...