Xoghayaha Guud Ee WADDANI Oo Xildhibaannada Mucaaridka Ah Uga Digay Inay Lacag Qaataan

0
Thursday July 01, 2021 - 14:39:27 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1635
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xoghayaha Guud Ee WADDANI Oo Xildhibaannada Mucaaridka Ah Uga Digay Inay Lacag Qaataan

    Xoghayaha Guud Ee WADDANI Oo Xildhibaannada Mucaaridka Ah Uga Digay Inay Lacag Qaataan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xoghayaha Guud Ee WADDANI Oo Xildhibaannada Mucaaridka Ah Uga Digay Inay Lacag Qaataan


Hargeisa(HWN):-Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI ayaa Xildhibaannada golaha Wakiillada uga soo baxay Xisbiyadda mucaaridka ah uga digay inay qaataan Lacago lagu badalaayo Mabda'adooda, waxaannay ugu baaqeen inay tix-geliyaan shacabkii soo dortay.
Sagal Guure - Waxa sidan qoray khadar xuseen cabdi... | Facebook


Xoghayaha guud ee Xisbiga WADDANI Khadar Xuseen Cabdi ayaa sheegay in Lacagaha la siinnaayo ay tahay lacag laga soo aruuriyay shacabkii soo doortay, waxaannu sheegay in haddii la isku dayo cid aan ahayn Xildhibaannada mucaaridka inay noqdaan Shirguddoon inay taasi ka dhiggan taha in la inqilaabay codkii shacabka ree somaliland ay dhiibteen.

Xoghayaha guud ee WADDANI waxa uu sheegay in talaabaddaas ay xagal daacinayso isla xisaabtankii, isla markaanna ay dabar ku tahay himilladii ay ummadda Somaliland lahayd, waxaannnu Xoghayaha guud uu sidaas ku sheegay Qoraal uu soo dhigay bartiisa bulshadda facebook-ga.

Waxa uu Xoghayuhu xasuusiyay Xildhibaannada cusub ee golaha Wakiillada in sababta ay shacabku ugu coddeeyeen ay tahay in la isku dheelitirro miisaanka dalka, isla markaanna ay soo saaraan Shuruucdii dalku u baahnaa.

Waxaanna wakhtigan meel adag marraaya hanashadda iyo loollanka loogu jiro Shirguddoonka golaha Wakiillada, iyaddoo ay ku loollamayaan Xisbiyadda mucaaridka oo isbahaysi ah iyo Xisbiga muxaafidka ah ee KULMIYE.

Loading...
Loading...