Goorma ayaa Somaliland Laga Xusi Karaa 1-da July Oo Ku Beegan Wakhtigii Ay Xoriyada Qaadatay Soomaaliya?
Hargeysa(HWN):-mujaahid Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) ayaa ka hadlay wakhtiga kaliya ee xuska 1-da July oo ku beegan wakhtigii ay gobonimada qaadatay Soomaaliya laga xusi karo somaliland.
siyaasi Cali Guray ayaa qoraal uu soo saaray ku yidhi sidan "Dhinaca Somaliland 1da Luulyo waxa lagu xusi karaa keliya maalintii Somalia ay madaxbanaanida qaadatay. Dhinaca Somalia intaas oo keliya maaha ee waxa kale oo lagu xusaa israacii aan shuruuda lahayn ee Somaliland ay kula midowday Somalia taasoo dhinaca Somaliland maanta looga arko maalin madow oo Somaliland ay gashay gef taariikhi ah markii ay lumisay madaxbanaanidii u sugan tay 26 June 1960. Halka Somaliland iyo Somalia ay ilaa maanta iska seeggan yihiin waa halkaa. Is maandhaafka labada dhinaca ayaa ina xusuusinaya sheekadan:
Jees reer miyi ah ayaa gurigii uu deganaa waxa ku jiray bahal mas ah oo madaxu intaa le’eg yahay. Odaygii reerka iyo maskii ayaa ku heshiiyay in ay guriga wada degenaadaan balse ay is nabadgeliyaan. Muddo markii ay gurigii wada oolaayeen ayuu ninkii arkay maskii oo geed jiriddii intuu madaxa hoos u soo laalaadiyay si fiican isugu baraxay in uu qoorta gooyo. Gudintii uu sitay ayuu u laba gacmoodiyay balse lamuu helin eh gudin af badan bay ahaydoo jiriddii geedka ayay dhawr xubnood ku aroortay. Maski habeenkii soo daadegay ayuu qaniinyo ku dhuftay will yar oo ninki dhalay. Subaxii ayuu ninkii arkay wiilkii oo mayd ah miciyhii maskuna ay ku yaalaan. Markuu wiilkii aasay ayay gartoodii cid waliba gashay waanay gu’i wayday. AHN eh Cabdillahi Dhoodaan ayaa si fiican maanso uu lahaa ugu sawiray. Wuxu yidhi;
Ninkii Good ahaa iyo maskii loo garnaqahaayay
Waxay gocatay ooy eeday oo gebogebo u diiday
Waa masaartu xididkah gashiyo gabankay aaseene.
Maska waxa u muuqday gudintii sigtay in ay madaxa goyso. Ninkina wuxu ka samri waayay wiilkiisii uu qaniinay ee uu assay.
Somaliland dhibaatadeeda waxay u aragtaa 30kii sanadood ee hore ee midnimada iyo wixii gaadhay. 30kan dambena waxay u aragtaa in ay la soo noqotay madaxbanaanideedii oo ay ka xorwday xukunkii Muqdisho. Markaa waxay kaga dhegsan tahay " gooni-isu-taagga Somaliland gorgortan ma leh. Somalia 30kii hore ee midnimada waxay u taqaan berisamaadkii qaranimada soomaaliyeed, halka 30kan dambe ay u aragto xiligii burburka iyo dawlad la’aanta oo waxay kaga dhegtay "midnimada soomaaliyeed waa muqadas”. Labadaasi weligood ma isu keeni karaan? Mise mid baa riyoonaya, kee baase riyoonaya hadii mid riyoonayo?
Somalia wax aan aqoonsi ahayn oo ay haysaa ma jirto. Somalilandna wax aan aqoonsi caalamiya ahayn oo ka maqani ma jirto