Is-Haynta Axsaabta Siyaasadu Yaanay Qaranka Hadimo U Keenin !!!
W/Q: Mohamed Abdi Jama
Awoodaha hay'adaha qaranka iyo wada shaqeyntoodu waxa ay ku cadahay
dastuurka dalka jamhuuriyada somaliland, waxa xilka iyo waajibaadka
golaha wakiilada ee wada-shaqeynta xukuumada si cad u qeexaya qodobada
dastuurka ee 53aad, 54aad 55aad iyo 56aad .
Madaxweynaha sababaha uu xilka ku waayi karaa maaha wax sahlan
waxaana si cad u qeexaya qodobka 86aad ee dadtuurka somaliland , markaa
wax mad-madaw gali karaya maaha .
Arimahani waxa ay ka mid yihiin meelaha ugu badan ee midiba labada
dhadhaar mid ka kale uga baqayo oo qodobka 56aad ee dastuurka laftiisa
waxa ku jira xiliyo madaxweynuhu kala diri karo golaha wakiilada laakiin
maaha wax sahlan oo waa marka afti ay dadweynaha dalka maxkamada
dastuuriga ahi ka qaado.
Haddaba maal-mahan waxa badatay in loolanka axsaabta mucaaridka ah
iyo xukuumadu ee shirgudoonka golaha wakiiladu meel adag marayo oo dalka
hadimo iyo dhibaato u keeni karta , muhiimna aan aheyn in sidaa loo sii
ficiltamo.
Hadalkiii faysal cali Waraabe ee maalintii ay shirgudoonka
isbahaysigu u dooranayeen sadexda xubnood iyo wareegto madaxwayne
Mohamed Ibrahim Egal qorey 16 Jan 1996 ( Ref buuga ducoqabe boga 175 )
oo ku saabsanayd wadashaqeynta golihii wakiilada ee xiligaasi iyo
xukuumada oo isku mar-may sidii dawladaha nidaamkoogu yahay prime
ministerial ka ayaa aad isugu mid ahaa .
Axsaabta mucaaridku hadii ay haystaan aqlabiyada golaha macneheegu
maaha in xukuumada iyo madaxweynuhu dhacayo, sidoo kale maaha
wadashaqeyntu labada dhadhaar ee qaranku meesha ka baxayo , ee waxa
wanaagsanaanayaa isla xisaabtanka iyo in goluhu shaqadiisa si wanaagsan u
qabsado mid shirgudoonku wax weyn ka badeli karona maaha.
Wallow ay mudo hadhsan tahay haddana maaha in loolanka loogu jiraa
uu qaranka dhaawaco, waxii umadu wada lahayd iyo dawladnimadana
curyaamiyo oo arimuhu noqdaan ku jiqsii.
Doodii xalayto ee dood wadaag maxamud xaashi ayaa si fiican ugu
sharxay isaguna in helida shirgudoonku aanay muhiimada iyo aqlabiyada
golaha waxba ka badelayn .
Taariikhda waa in aynu waayo aragnimo ka qaadanaa oo waxii hore
inooga qaldamay aanu dib inoogu soo noqon, ficiltankii mucaaridka iyo
muxaafidka ee golaha 2005 ilaa 2010 waxa uu dalka ka dhigey ragaad iyo
is eryad hay'adaha qaranka midiba mid ka kale iska dhicinayey dabadeedna
waxa yaraaday wax qabadkii.
Isku soo wada xoori doorashadii aynu galnay waxa ay ahayd mid qurux
badan, dhameystirkeeduna waxa uu ku jiraa qaabka shirgudoonka loo doorto
iyo waxa ka soo baxa Sida uu u ekaanayo , oo caalamkuna aad inoogu
eegayo , markaa waxa aanu leenahay is haynta axsaabta siyaasadu yaanay
qaranka hadimo u keenin.
Mohamed Abdi Jama
Dhimbiil Mohamed
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...