Gudid Ilaalinta Iyo Daba-Galka Hantidda Qaranka Oo Kulan Layeeshay Maamulka Gobolka Sanaag+Qodobadda Meel Laysla Dhigay.
.
Hargaysa(HWN)Guddidu iyada oo ku gudda jirta kormeerkii shaqo ee gobolada ku maraysay, waxay maanta la yeesheen kulan xog waraysi, kuwaas oo ku saabsan ka warbixinta mashaariicdii ku jirtay Miisaaniyada 2017 iyo xisaab xidhka 2017, kuwaas oo kala haa Dhahar saldhig Boolis, Badhan xafiiska Wasaarada Arrimaha Bulshada iyo shaqo-gelinta, Xiingalool Saldhig Boolis, Awrboogays xarunta maamulka Dawlada hoose iyo saldhig Boolis, Fiqi-fuliye oo isna laga dhisay saldhig Boolis iyo xarunta maamulka dawlada hoose iyo gawsa-weyne oo laga dhisay Saldhig booliis.
Waxa
Guddoomiyaha Gobolku ka warbixiyey xaalada mashaariicdaas laga fuliyey Gobolka
ee Ku xusan xisaab xidhka 2017. Waxa Guddoomiyuhu Guddida u sheegay in la
dhameeyey oo ay shaqayso dhismaha Wasaarada Arrimaha Bulshada iyo shaqo-gelinta
ee magaalada Badhan, sidoo kale waxa sheegay in la dhameeyey dhismaha saldhiga
Booliska Awrboogays, laakiin ay qabyo yihiin xarunta dawlada hoose ee
Awrboogays iyo saldhiga Booliska iyo xaraunta Maamulka dawlada hoose ee
Fiqi-fuliye oo ku istaageen fooqal fiyaaraha, isaga oo Guddoomiyuhu xusay in
dhammaan lacagihii loogu tallo galay dhismayaashan aqabyada ah ee Awrboogays
iyo Fiqifuliyey dhammaanteed ay ka baxday Wasaarada Maaliyadda oo la leexsaday.
Waxa kale Guddoomiyuhu Guddida u sheegay in la dhamaystiray saldhiga Booliska gawso-weyn, laakiinse aanay wali si rasmi ah ula wareegin saldhigaas gawso-weyne. Iyada Guddidu sheegtay in wixii warbixin ah ay la wadaagi doonaa Golaha Wakiilada.