Gudida Joogta Ee Golaha Wakiiladda Oo Ganafka Ku Dhuftay Codsi Uga Yimid Xukuumadda.
Gudida Joogta Oo Ganafka Ku Dhuftay Codsi Uga Yimid Xukuumadda.
Hargaysa(HWN)Gudida Joogta ah ee golaha wakiiladda somaliland ayaa maanta shir deg deg ah ku yeeshay xarunta baarlamaanka kaas oo ay ku faaqideen xadhiga ay ciidanka amaanku xabsiga ugu taxaabeen xildhibaan dhakool oo ka tirsan mudanayaasha aqalka golaha wakiiladda somaliland.
Gudida ayaa sheegay in qaabka loo maray xadhiga xildhibaanku uu baalmarsan yahay sharciga waxaana ay xukuumadda ugu baaqeen in si deg deg ah uu xildhibaanku xoriyadiisa uu u helo.
Gudida ayaa dhinaca kale waxa ay ganafka ku dhufteen codsi uga yimid xukuumadda oo ku saabsanaa in xasaanadda laga qaado xildhibaan dhakool waxaana ay xukuumadda ugu baqeen in ay sharciga dalka u yaala u hogaansanto
.
Loading...
Loading...