Tacsi tiiraanyo leh Jaaliyada Somaliland ee Greater MANCHESTER UK Geeridu Xaq weeye Xaaji Cabdi mahoyday

0
Sunday May 12, 2019 - 09:36:45 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1460
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tacsi tiiraanyo leh Jaaliyada Somaliland ee Greater MANCHESTER UK Geeridu Xaq weeye Xaaji Cabdi mahoyday

    Gudoomiyaha Jaaliyada Somaliland Mudane Xaaji Axmed Cali-Dheere Isaga

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gudoomiyaha Jaaliyada Somaliland Mudane Xaaji Axmed Cali-Dheere Isaga


oo Ku hadlaaya magaciisa iyo magaca dhamaan Jaaliyada Reer Somaliland ee Magaalada MANCHESTER iyo GREATER MANCHESTER ee dalka UK wuxuu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyskii, ubadkii, qaraabadii, ehelkii iyo dhamaan Qaranka Somaliland geeridii naxdinta lahayd ee Ku Timi Odaygii Qaranka Samotaliskii nabad-doonkii Somaliland illaahay how naxariistee Xildhibaan Xaaji CabdiKariin Xuseen Yuusuf, Xaaji Cabdi-Waraabe,



Illaahay janadii fardowasa haka waraabiye Xaaji CabdiKariin wuxuu ahaa Tiir adag oo Udub dhaxaad u ahaa Jamhuuriyada Somaliland Marxuun Xaaji CabdiKariin wuxuu Ka mid ahaa oo waliba hormood Ka ahaa odayaashii guurtida ahaa we gacanta libaax Ka qaatay bu'dhiga,nabadaynta iyo tis-qaadka qaranimada Somaliland isaga oo ilaa maalintii Dib loogu dhawaaqay Jamhuuriyada Somaliland ilaa Maanta oo Xaqii u yimi intaasba wuxuu u taagnaa midnimada, nabada, xal uraadinta khilaafaadka iyo taabo-qaadka dawlada Somaliland,


Xaaji CabdiKariin illaahay godka how nuuro wuxuu ahaa Oday Qaran we illaahay Samir iyo iimaan haka siiyo shacabweynaha reer Somaliland iyo dhamaan ummada Soomaalida iyo muslimiintaba.


Innaa lillaahi wa innaa Illayhi Raajicuun

Geeridu Xaq weeye Xaaji CabdiKariin ma hoyday.


Fuad Fartaag

Afhayeenka Jaaliyada Somaliland Manchester uk.

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...