Siddani Xukumada Muuse Waxa Ku Wada Iyo Wadada Ay Haysa Ba Waxa La Yidhaahda , (Waa Kudkii Oo Kabbo Loo Tollay )!?

0
Sunday May 12, 2019 - 09:25:01 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1057
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siddani Xukumada Muuse Waxa Ku Wada Iyo Wadada Ay Haysa Ba Waxa La Yidhaahda , (Waa Kudkii Oo Kabbo Loo Tollay )!?

    "Inta uu Xildhibaan Dhakool yidhi waxa ka Xuma inta Faysal Cali Waraabe

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Inta uu Xildhibaan Dhakool yidhi waxa ka Xuma inta Faysal Cali Waraabe

iyo Cabdiraxmaan Ciiro ay Ummada la hor-yimaadeem"

.

Hasa yeeshe Hadalka Xildhibaan Dhakool waxa uu meel u xoqay oo xin-jirro uga keenay waxanu aheyn Nin ka soo jeeda Beesha Dhexe Reer Isaaq ! Taas ayaa sabab u ah in Xildhibaan Dhakool isaggoo Xasanad leh la Xidho oo Xabsiga loo takhan-tukhiyo. Waxay ka mid noqnaysa fool-xumooyink Xukumada Muuse Bixii Cabdi Gadh-wadeenka yahay u horseedayso Jamhuuriyada Somaliland Tallabadan aan Dastuurka waafaqsaneyn ee laggu xidhay Xildhibaan Xasannad leh oo Golaha Wakiilada iyo kuwa kale la mid ka ah ee aan xikmad iyo aragti caqli gal ah ku fadhiyin . Waa mid isagga iyo Hogaannimadiusa laggu Xasuusan doono taariikhda ka hadhi doonta wakhti dhow iyo ta iminka iyadu is-qoreysaba.

.

Dadka qaar ayaa leh waxay la xidhiidha (18 May )iyo Munaasibadeed hasa yeeshe ta aan u nisbeyn karra waxa weeye Ereyga aha " Siyaasada iyo Garashadda , Aqoonta iyo Waayo-aragnimada Muuse iyo Siilaanyo waxa uu budhigeedu yahay Arimhi ,Qaaxo iyo waxii ay kala yimaadeen oo uu u dhigna hadalka Xildhibaan Dhakool yidhi ee Warbaahinta la wadaagay .

.

Arinkaa iyo waxa lagga yeelaayo waxa laggu gor-feeyey Shirka Golaha Wasiirada ee Maanta. waanna ta keentay inay ka hadlaan amma Araahdooda ka ,Aragtidooda ka dhiibtaan shiikhsiyaad isku deegaan ka yihiin Xildhibaan ka Xabsiga loo taxaabey Caawa -fiidkii.

Haddii Cid laggu xidhaayo Aflagaado waa in iyagga la xidhaa Faysal Cali Waraabe iyo Cabdiraxmaan Ciiro . Faysal waxa uu xadhig ku mutaysanaya inuu Ummada la hor-yimaado hadalka ah waxa aan ku idhi Ciirro " Hadii Muuse ina diido waxaynu tageyna Nairobi Kenya oo Haya,daha Qaramida-midoobay ayaan weydiisaneyna inay keenaan Jamhuuriyada Somaliland Ciidamo Amisom ah "

.

Halka Cabdiraxmaan Ciiro uu la hor-yimi Ummadda Hadalka odhanaya Madaxweyne " Hadii aad door biday inaad qayb ummada ka mid ah Madaxweyne u noqoto inta kale , ma Madaxweyne la,aaneyso.

.

Kuwa aamisan ayaan ahay inaan 18 May, aaney aheyn Maalinta Xornimada Jamhuuriyada Somaliland ,siddo kale waxa aan aaminsan ahay inaaney mudneyn sidda loo Maamuli ee jirta balse waa Maalin ka mid ah Maal-maha Qaranku leeyahay.



Hasa ahaate Maalinta meesheedii lagu bedelay ay tahay (26 juun )oo ah Maalin Xoriyada Jamhuuriyada Somaliland waana mudan tahay in la siiyo haykalkeeda iyo maamuuskeeda ,cid muran ka keeni kartaan ma jirto ku dhamaan Ummada Jamahuuriyada somaliland mid bari joog iyo mid galbeed ku sugan ba . waxaynu ogsoonahay in caalamku inoo aqoonsan-yahay Qadiyadeena inay budhigeed u yahay Gooni-ugoosada( Secessionist) balse aanay jirin tixraac dhab ah iyo qadiyad ku qoton-ta taarikh dhab a oo soo jireena ah .


Marka kale 26 juun waa ta cadeyn iyo markhaati ka dhigaysa qadiyadeen si buuxda oo dhameystiran si wanaagsan oo waafi ahna inoo kala saareysa Ummada Somalida Soomaliya ee Aduunku inagu faruur-xidhaayo innagun aynaan hayn wadad iyo taarikhdii ina kal saaraysa oo ay ka mid tahay Maalinta Xoriyad ee aynu haykalkeedii duudsiinyana .

.

Hasa ahaate waa ka mid noqon karta maal-maha Qaranka la xasuusto waxanna laggu xusi karra si ka duwan sidda loo qaad qaado iminka , Tusaale ahaan meelaha Khayriyada ah iyo iskuullada iyo Goobaha laysugu yimaado ayaa dareenkeeda iyo ka hadalkeed laggu koobbi karra amma waxa lagga dhigi karra Maalin Fasax oo Qaranka oo dhan fasaxo Xarumaha Dowlada iyo kuwa gaar ka loo leeyahay.

.

Maalinta mudan in Ummadu ay si wada jirta ah uga soo qayb-sho oo waajib ah mid Gobolka, Degmo iyo meelaha kaleba jooga ba waa 26 Juun siddo kale dhamaan Ciidmada Qalbka sidda iyo kuwa kale Qarankuba ku soo bandhigayaan heerarkooda kala duwan waa 26 Juun.

.

Hadalka xildhibaanka iyo aragtidiisa waxa ay aheyd in Golaha uu ka tirsan yahay inuu tallabo uu kula xisaabtamaayo ka qaado Mudanaha ka tiran iyo odhaahyada uu dhinac u jan-jeedhiyey wax kale oo sidda u sii weyn oo caqabad iyo, in xadhig lagula kacay ma aheyn arinku . Waxa aan filaya Qofkii Xusbiga Kulmiye iyo Ummaddiisa ku jirta ee Haykalka u ahi wax ka ogaa la yaabi-maayo balse kuwii uu duufsaday ee aan aragtidoodu meel fog wax ka arag aheyni waa la yaabayaan waanna amak-kaagayaan.

.

Waxay aynu ogayn Siilaanyo Aqoon iyo waayo-aragnimo aad loo bidayey maxaad ka filaneysa Muuse oo arinkiisu yahay waa " kudkii oo kabbo loo tolay"

.

Ficilka iyo Tallabada waxa, ka muuqda sida hore na u jiratay in Jamhuuriyada Somaliland tahay meel Xaqeeda iyo Xuquuqdeeda ba ay leedahay Beesha Dhexe Reer Isaaq.

.

Haddii aad ka mid tahay Ummada ee dhaladka ah inaanad Xaq iyo Xaquuq u lahayn inaad ra,yigaga caadiga aad cabirto hadii aad masuul tahay iyo hadii aanad ahayn ba .Waa na mid aan soconayn amma u soo dhimo, Jamhuuriyada Somaliland hore ma u dhimo hadda oo la joogo ee was sidan iyada ahi.

.

Si aad iyo aad ah ayaan ugga Xumahay arinka ugubka ku ah ee dhaawac iyo dhiilada ah , ku Qarannimada iyo wada jirta Ummada Jamhuuriyada Somaliland horumarkooda iyo wada noolashaheen ee Xukumadu hadda talinanysa ku kala qaybinayso Ummada walalaha ee wada dhalatey iskuna xuquuqda iyo xaqa ah dhinaca kasto oo nolaleed iyo degaan iyo dad ahaanba.

.

Siddan ay iminka ku socoto Muuse iyo Xukumadiisu waxay isku kicinayaan , duufaanno mucaarad oo aan hore ugu barrarugsaneyn bal- eegna waxay ka helaan, kolay ka saari maayan Golaha wasiiradiisha ee loo yaqaan,( Golaha Wasiirada ee soo fadh-fadhiista ) oo macnahu-yahay, kuma jirto mid kaliya oo odhanaya Mudane Madaxweyne arinkaasi waxas ayuu inaggu keeni karra ,halka haye-mooyaane waxa kale oo ay la shir-iman karaan aanu jirin marka ay waajib tahay sixda Madaxweynaha markii uu hindisa-yaal doonaayo inuu ku dhaqaaqayo.


[email protected]

Abokor I Mohamud.

"Fikrada iyo Aragtida Xorta ah ee Muwaadinka , Jamhuuriyad Somaliland "

Waa Billahi Towfiiq .


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...