"Xammaal-kii Wasiirka Noqday.!."

0
Monday June 28, 2021 - 10:09:44 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1573
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Xammaal-kii Wasiirka Noqday.!."

    Waxa Qorey. Mustafe Axmed Maxamed Geeddi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa Qorey. Mustafe Axmed Maxamed Geeddi.
Magaciisu waa " Qawdhan" Waa nin madoow oo qarro wayn, waa meel dhexaad oo da'diisu waa ilaa 45-sano jir. dhismaha jidhkiisu oo aad u dhisamay, Jimcsi iyo GYM kuma dhismin ee waxa jidh-kiisa dhisay waa xammaalka iyo xoogsigga dhididkiisa xallaasha ah ee uu suuq joogta u yahay si uu u dhacsado una dabbaro noloshiisa iyo tan qoyskooda.



Maalin kasta abaaro 1:30 duhurnimo ayuu shaqadan culayska badan ka rawaxaa, isaga oo cidii dhinac marta ay qaaddo shurufta iyo qaaca qadhmuun ee kasoo hugmaya jidhkiisa iyo dhididka shaqaddu ka keentay ee marka qorraxda lagu daro dhididku uu gadh-kiisa ka tif-leeyahay sidda biyaha, dadka qaar aan dhuggasho badan u lahayni waxay moddaan nin maskaxda ka jirran lkn qofkii si fiican u fiirsha sawirkiisa guud markiiba wuu fahmi karra inuu yahay xoogsato, wax kale kuma garratide, waa nin rabi u dhaliyey karti iyo hal-adayg shaqo.


Intaas waxaa u dheer inuu yahay wiil hoog farraha lagag gubtay oo dagaal badan, oo waa nin cadkiisa dhacsada oo aan nina ku wallaacin, dhawr jeer ayuu dagaal galay oo rag uu nabarro u gaystay, isagana dil uma dhinayn wax doog madax kaga yaalla ee kuso kacaa tiro malaha. xagga hadalka aad ayuu u hadal qadhaadhyahay oo waa caytamaa oo af-xumo kuma yara marka uu xanaaqo. Maalin kasta cid ayay is khilafaan madaama oo ay shaqada xammaalku tahay mid cullays badan oo xafiiltan iyo xajiin badan. ilaa 3-gaadhi oo nooca candho-mayd laha la dhaho, ayuu roggaa maalin kasta".


Dhawr jeer ayaa la isku khilaafay rasadda bariiska iyo daqiiqda sida loo dhigayo ama loo habbaynaayo, oo uu mid xammaal ah feedh iyo hidh ku dal-dallay oo afku dhiigay, isagana la xidhay. bal maxaad qaan iyo dil ugu galaysaa sida raso loo dhigayo aannad lahayn ayuu dhawr jeer ku qoomameeyay.


Duhurka marka ay gaadho waxa caaddo u ahayd inta uu maydho "in uu labo mijood oo Qaad ah iyo sigaar "Baakidh rooyal ah intuu qaato" oo u tago meherrad yar oo bal-balo ah oo la dhaho (Xiniinyo Dabaddood) magacaas oo u dhigan inuu yahay "Cay" oo ku taalla meel dooxa agtiisa ah, inta badanna ay isugu yimadaan Xoogsatada, Xammaalka, Dameerlaha, Biyoollaha, Nijaarka, iyo Keeryoon-lahu waa meherrad yar oo dadkeedu cawlanyihin lkn waxa fadhiya rag xooggoda oo xallaal ah shaqaysta waxay dhammaan qaar dhacay "Hanti ummadeed" oo fiilooyin dhaadheer ku dhex quuta qurrusyo xaraan ah, meherrada iyo dadkeedu ha iska cawladaan e, waa meel aad darreemayso inay jogaan dad noloshooda ku qanacsan oo saacidaddood ku farxsan, waxaad kale oo darreemi kartaa inay jirraan rag rabi ragnimo u dhaliyey oo waayaha iyo wkhtiga adduun xidhay balse indheergarad ah oo hasaawin yaqaan gollaha xigmada iyo sheekada ee qoodhu isku qallacdo, raggaas oo aad qiimahooda raganimo mar-marka qaar aad kuso xusuusanayso heestii waayaha adduun ka hadli jirtay ee " Maxay dantu ciishay wiiloo , dulqaad iyo deeq lahayoo dadkuna doqon mooddayaan"


Ninkani Qawdhan laftarkiisu ma xigmad xuma oo isaga laftigiisu waa nin ha iska xanaaqo e. waa geesi aan hadalka marrin-kiisa ka leexin waa nin akhyaar ah oo seddexda ina rag lagu xusho ay ku kulmeen waa Dood,dagaal iyo deeq waa nin xigmado,gabayo iyo murti yaqaan ah inkasta oo bahal Qabyaallad la dhaho uu meel dhigtay oo faanka iyo baannista ay san-ka ka saarranyihiin, inta badan wuxuu ku fannaa laan-dheere ayaan ahay. dee waa runtii oo xagga abtirsimadda waa beellaha ugu baddan somaalida ee ay ka dhasheen nin-garboodku Haldoor, Ganacsato, Culimo, Aqoonyahan iwm lkn isagu noloshaas macanawiyan waa ka xammaal dhabarkiisa rarta, wuu ku faana ragga beeshiisa lkn in uu isagu nolol u baahanayahay markaliya isma waydiin.?. lkn waxa uu maalin kasta ku faannaa, rag lacag iyo magaca leh oo ay abtirsiin waddagaan, waxna kuma qabo.


Iminka wuxuu fadhiya booska u meherada ku leeyahay, wuxuu xidhanyahay macawis yar iyo shaadh cas, waxa afka ugu jira taqsiin qaad ah waxa kale oo uu ku tiirsanyahay Birkin yar" oo casaatay oo aad arki karto in ay naddaafad ka suushay, gacanta midigna wuxu ku haystaa midh sigaar "Rooyal" ah oo intuu faanka reerka ku jiray kala badh ayay dhamaatay xabada sigaarka ahi, intuu hore usoo yar fadhiistay oo si xoog ah u jiiday sigaarkii ayuu yidhi :- hadii aan reerkaygu barigaas dagaalka galin inaan dalka la xorreyeen oo aan maanta nabbad lagu caweyeen, intuu raaciyay afarray uu oday adeerkii ahaa uu tiriyay Qarnigii 20aad .


Haa waa qabyaali lkn hadanna qoyska uu yahay waa u xeer-beegti aan gollaha lagaga dabo dhufan dagaal iyo gar-naqsi labadaba. Suldaanka beesha waa (Suldaan Qaac) isagana waa inmadeer tii rumma ahayd, suldaanku aad ayu ugu kalsoonyahay oo fiidka marka uu qaadka ka kaco ayuu ugu tagaa meherrada barraad ah oo shaaha caano geella ah laga cabo. warka 8:00 fiidnimo laga fiirsado markaa warku bilaabmo ayaa muran-kuna istaadhmaa " "waa saxanyahay madaxwaynuhu iyo wa khaldnyahay ayaa lagu raftaa" ciidaa iyo camaarka ka badan inta ay siyaasad ku murmeen ee uu afku ka xumaadday ee hadal qadaf ah iyo gaf kala gaadhay, waar maxaa ka galay colaadda aad u gallayso siyaasi aan ku aqoon ayuu dhawr jeer ku shawray dee mooji.


Suldaan-ka ayaa dhowr jeer ku yidhi:- reer-ku nin adayg adiga ayaa ka dhashay adiguna aqoon ma lihid, xammaalkaas isagana iska dayn wayday hadii aad "Barrayfat" gasho oo afsoomiliga iyo ingilishka aad barto wasiir ka yar kaama dhigeen oo musharaxa iminka dhowaan la doorannayo saxiibo ayaanu nahay.


Talladaas wuu u boggay runtii habeen-kii kama uu seexan inuu wasiir noqdo oo uu madax noqdo, wuxuu noqday warran ku taggan qawdhan arrinkaasi, waxa xaqiiqo ahayd in suldaanku uu mid hore u geeyey madaxwaynaha iminka oo uu aggaasime u magacaabay. habeen-kaa il iyo baal isuma uu keenin ee soo jeed ayuu ku dhamaystay oo badh-go ayuu ahaaye, labo mijood oo aan biyo raacis lahayn ayuu qaadku kaga dhamaadday fiidkii hore. meesha uu sexdaa waa meherradda yar ee uu ku qayillo ilaa guri malahe e. oo uu subaxii ka jarmaaddo habenkaas oo dhan dhabban muu dhigin ee meherrada yar horteedda ayuu ka muuqday gudcurka dhexdiisa isagoo jiiday oo qiijinaya dhawr xabo oo sigaar ah. Habeenkaas wuxuu naftiisa kula faqay inuu waxbarto oo barrayfat gallo lagu dhigto ,luuqadaha iyo xisaabta si uu arrinkaa suldaanku ku yidhi u rummeeyo.


Subixii ayuu labo Buug iibsaday oo uu tagey barrayfat u dhow, halkaas oo looga bilaabay barashadda labada Luuqadood iyo Xisaabta shaqdii xammaalkana wuu sii watay. Waa nin maskax fudud ee afsomaliga 4-bilood ayuu ku fahmay ingriisidana waa ku dhawaqaa ha iska jajabsadee mudo 7-bilood ah markii uu dhigtey ayaa waxbadani bilow u noqdeen oo uu buugaag gabayo iyo kuwo iskuul ah, ku dhex akhriyey meeshii qayilaada, iminka qolladan waa u aqoonyahay oo maalin dhawayd wuxuu sharaxayey xiligii jabuuti farnsiisku qabsaday qofka cilmiga Seef la bood-ka ku noqdaa "wuxuu caan ku yahay inuu ku murmo golle kasta oo uu dadka ku dawakhiyo inyar oo aan waxba uga danbayn. isaguna wadaddaas ah "Cilmiga jibbada ku dhisan ayuu qaadday" oo waxa uu mar uu ka sheekaynayey dhaqaallaha Maraykanka(USA). maalin ayuu aad u sharaxay waxa uu yidhi:- "dhaqaalaha maraykanka iyo ganacsigu waxa uu ku korray cashuur lagama qaaddo, ganaciga oo dhana waxa maamulla shirkado shisheeye qudbad dheer oo uu qorraal ka khristay ay dad qoreen ayuu dooddiisa udub dhexaad uga dhigay oo ku suggey .waar iminka waxaan ahay nin siyaasi tagay ah arrinkaas rag badan oo qollada dameerlayaasha ah ayaa madax u ruxay inkastoo qoladdan xammaalka ilaahay murran ku saliday oo xifaaltan gaar ahi ka dhaceeyay , qollada kaliya ee cilmi ahaan waxan u dhagaysanaysay ee madax iyana ruxaysaa waa keeryoon-layaasha ama gaadhi-gacanlayaasha oo aan xata far-hunguri qorin iyagu, kuwa aqoon ugu dhowi waa nijaaradda oo wax badani u bilaabanyihiin oo goobtana iyagu xaga cilmiga iyo tariikhda aan lagaga dabo-dhufan hase yeeshe gashaanka ayay u daruureen blse ma cad in cilmi ahaan u haystaan iyo in ay u diidanyihiin in golaha cilmiga lagala warreego..


Bishii 12aad ayuu ka qalinjabiyay qaybtii hore ee waxbarashada gaaban oo uu xariif ku yahay qorrista afka somaaliga iyo xitaa ingiliishka iminka wuu joojiyey shaqdii xammaalka oo waxa uu xisaabiye ka yahay bakhaar, waana labista oo dhallaalka waad arki karta inuu so yar dooggay oo xuub-siibtay sida maska.


Habeen ayuu suldaan-ku soo wacay oo uu yidhi:- igu kaalay meheradii( budh la-duul) waa uu u yimi Suldaankii, kawran waxbrashadii waxa la yidhi: waxaad noqotay khabiir sare e'. Intuu qosol yar qac ka siiyey ayuu yidhi:- iminka mutacalin ayaan ahay Suldaan.


Suldaan-ka oo show ay siyaasadda isku seggeen siyaasiyiinta beesha ah oo ay kala danno noqdeen ayaa yidhi:- raggii aan hore u dhisay waa igu wacad fureen ee u diyaar garoow xil ayaan kulla raadinyaaye "warkaas wuu ku farxay habeenkii hurdo muu ladin" Subixii Suladaan-ka ayaa soo wacay, inta uu raacay ayaa carwo la geeyay oo dhar hugga suudh-ku boqorka u yahay looga soo iibiyay kadibna timo-jarraha ayaa la geeyay oo inta loo xiiray ayaa wajiga loo dhaqay oo madoobbayso loogu daliiggay oo loo qurxiyay timihiisa. Subixii xigay gaadhiga ayay kaxaysteen isaga iyo Suldaanka iyo labo Oday oo kala ahaa Qaaje iyo Qiiq " oo ay sidaa madaxtoyada ku tageen, kullan mudo qaatay oo madaxwaynaha iyo dhexmaray odayda Beesha, isaguna daawade ka ahaa waxa socda, waxa la isla ogolaadday in beesha wasiir loo magacaabo ballan-tuna maalmo kadib ayay noqotay ,isaga iyo Madaxwaynaha waa la is baray lkn wakhtiga ayaa cidhidhi iska ahaa oo xoghayaha gaarka ah ee Madaxwaynaha ayaa magaca iyo Xogta ka qoray.


Maalmo aannu hurdo laddin, waxa dhacayaanna ay riyo la tahay ayaa soo dhafay oo uu rumaysan layahay ma wasiir ayaad noqon doontaa.

Maalin uu duhur yar seexday ayuu soo kacay oo mobilka oo (Silent) kaga jirray uu eegay mise waa 102-wacitaan oo ku tagaan mobilka waar maxaa dhacay yaab.!!!..


Taleefan-ka oo dhacaya ayuu qabtay cod bushaaro ah ayaa kasoo yeedhay:- waar ma wasiir ayaa lagu magacabay Yaa Yaa Yaa!. Hadalka ayaa ku dhaggay, wuxuu se ku yidhi qofkii so wacay, maxaad maqashay ?. waar magacaagii oo macal naanasytii "Qawdhan"la socoto ayaan TV-ga Dawladda ka maqlay oo loo magacaabay Wasiir.


Suldaankii ayuu wacay wuxu ku yidhi:-waxa laguu magacabay Wasiirka Dhaqanka iyo Dalxiiska waan farxay ilaa aqoon yarid ayaan isku oggahay ee waxan is idhi waar mallaha dhaqanka waad fahmi kartaa. ilaa nin baaddiye ku koray ayaad tahee, habeenkii xiggay isagii oo Suudh-madoow ku dhex jirra iyo Suldaan-kii ayaa Madaxtoyada kulla caweeyay Madaxwaynaha. Qawdhan murti iyo xigmad wuxuu maqlay ayuu madaxawaynaha ugu duurxullay haasawaha guudna ku qurxiyay. hayeshee waxay ahayd maddal Suldaanka iyo Beeshu ugu mahdnaqayay Madaxwaynahu inuu boos Wasiir siiyay.


Kullan casho ah ayuu ahaa waxa hoos naftiisa ula faqay oo ula hadlaya qawdhan wuxu is waydiinayaa " Ninyahoow!!.waxaan garranwaayey oo hilib shiilan aan ka gartay ayaan ku cashaynay aniga,suldaan-ka iyo Madaxwaynahu ilaa garraw iyo digir ayan cuni jiree macaankii waxaan arkay, anigoo sixinigii dhinaca kasoo rafacay oo dhawr jeer farraha madaxwaynaha aan xuduudiisa hudhmo ku galay ceeb waynaa.!. Ceeb kale ma jirin cunto sidaa u macaan ayaanan hore u arkin, waxan arkay in Madaxwaynahu uu ka yaabay cunto jacaylka iyo diifta aan soorta u qabo !. balse kaftan ayaan ku difaacday cuntaada aan sida xun ugu miir-beellay sida buugga jamacadda loo difaacdo oo kale, waxaan ku hasaaway tariikh ,murti iyo xigmad Madaxwaynuhu dhawr jeer madax u ruxay.


Marka laga yimaado dhinaca cashada ee madaxwaynahu laftiisu ka yaabay sida uu farraha u leefaayay isaga laftigiisuna wuu iska yaabay!. Hadana xaga hadalka ,murtida,xigmada iyo xeelaaddaha hadlaka laga dheegto wuxuu Madaxwaynuhu u arkay afmishaar aan laga libiqsan,wuxuuna ii arkay shaqsi muhiim u noqon karaa difaaca dannaha shaqsiga ah ee xafiiska wasarrada dhaqanka iyo guud ahaan Xukuumadda.


Subixii xiggay waxa uu la wareegay xilka wasiirka wuu arkay joornaalo lagu dhaliilayo aqoontiisa lkn ma sii fiirin oo waxa uu ka darreemay niyadjab kuwan saxafadu maxay nin madax ah kaga naxiyeen .waxa la gaadhay xiligii u qudbada wasiirka loogu tallo galay, qudbada u badan maahmaahyo iyo xigamado ayuu madasha xil-warreejinta ka yidhi. ciddii ii ufiirasta way fahmi kartaa inu yahay muqayil afmishaar ah oo musallifay.


Wasaarrada waxa uu keenay dhowr xog-hayn ah oo ka caawiyey qorrista iyo diyaarinta qoraalda xafiiska. arrintaasna waxa aad uga caawiyay aqoonyahan ay isku hayb-yihiin oo la dhaho "Gudcur" suldaan-ka ayaa yidhi:- la shaqee oo ninkan hag, Qawdhana waxa uu ahaa mikirifoonka hadla ee TV-yada ka sheegga qudbado loo diyaariyey.Wasaradaasina waxy ka dhigantahay wasaarrad labo wasiir leh.

Nin la haggayo Weeye, wasaarrad ayaa shaqdeeda la dar-dar galiyay oo xog-hayayaasha iyo aqoonyah-nkii ay isku beesha ahayeen ayaa meesha hawsheeda si wanaagsan u wadda, hay'addaha Wasaarrada la shaqeeyana waa loo kala turjumaa saxeexana isaga leh oo dhaqaale fiican ayuu markan helay xatooyo baddan waa xantoobsadday.


Mar-marka qaar wuxu kala garanwaayi jiray in uu isagu xafiiska wasiir ka yahay iyo in suldaan Qaac meesha haysto, dhawr mashruuc oo loogu talo-galay in lagu dayactiro goobo dalxiis ayaa suldaanku jeebka ku shubtay gurrina waa ka dhistay, Qawdhan lama hadli karo Suldaanka oo karkaarka ayuu waydaarinayaa markaa madaxwaynaha kamaba baqee suldaanka ayuu daacad isaga noqday.


Markii kowaad qoyskoodda ayuu gurri banggalo ah u dhisay isaguna waxaa uu dhistay mid kale oo qurux badan, gabadh cad oo u mar is yidhi malaha waaba "Jin" intaan quruxdeeda ka yaabayna waa la siyay !!. iyana waa la isiyay , hada ogayga dhalay gabadhaas quruxda badan ee xilaha i noqtay Qawdhan aabbaheed waa ganacasade waana tol maalin ayuu u diiday 20, shilin oo xamaal ahaa,show raganimo waa lacag. waar niyahow nolol macaan ayaan galay wax kale kuma garatid e, ayy laabta ka leeyahay.


Shaqaale cusub oo beesha aha ayuu qoray oo uu suldaanku soo xulay ,qaarna wasiiro ay saxiibo dhow noqondeen ayuu wasaradahooda ay jogaan ku qorray way waa xirfad musuq maasuq oo ka dhaxaysa wasiirada , si aan beeshu ugu wadda muuqan wasarrada reerkoodu haysto waxa loo tagxiilaa wasarado kale . Si bulshada kale uu wasiirku uga dhaadhiciyo in aanu hal qof oo reerkooda shaqo qorin hadda waxay uga buuxaan wasaradaha kale isna dadka la jooga wasiiro kale ayaa soo dirsadday. qaar beellaha kale ah ayuu meesha ka eryay oo an wasiiro lahayn, dhawr mashruuc oo wasaarrad soo gaadhay 3-meelood ayuu u qaybiyay, meel isaga ah oo auu bangiga ku shubtay iyo labo meelood oo midna wax yar lagu qabtay midna raga la shaqeeya ayaa cunay oo dee labo yaryar oo xoghayn ii ahaa mid guri fiillo ah ayuu dhamaystiray bishan oo gafanayaal ayaa ku hoos nool dhiig bulshada jaqa.


Wuxuu naftiisa kula faqay:- Ninyahoow noloshan aan galay waa aduun dhalaal badan oo uddug leh, dhawr sano ayaan xafiiska jooga oo hada ilbax ayaan ahay nolosha aan ku jiro waa mid aan riyo u arko wali ,quruxda aan yeeshay waxaan ka yaabay! habeen aan warka TV-ga iska daawday waxaan kale oo la yaabay af-tahimdayda mooji in dadku sidaas ii arko lkn waan iska yaabay uun, oo naftu nin balaayo ah ayad tahay ayay igu leedahay.


Gurigay-ga quruxdiisa waad wareerraysaa dhallaalka xaaska iyo caruurta quruxda badan inta aan fadhiga tago oo aan TV-ga shito oo lugta midig ruxo ayaan hadallo macmacaan ugu yeedhaa xaaskagya "Filsan"gacaliso iyo macaan oo aan marna xusuus galaa anigo shub bariis ah xamaabaarsan ama mid hadhuudh ah oo qalbigu i dubbaaxiyaa.


Dhawr jeer ayaa la ii sheegay in rag i doonnaya oo yidhi:-wasiirka saxiibo ayaanu nahay ay i rabaan blse waxan idhi:- ku dhaha ma joogo aniga oo Laabton i horyaalo farfaraynaaya guriga laftigiisa ayaa ay xaasku ii sheegtay in rag si u yar diifaysan ay dhaheen wasiirka ayaan rabnaa blse xaaska waxay tidhi:- wuu maqanyahay :markiiba waan gartay inay kuwa iddoonaya yihiin saxiibadii aan xammaalka kawada shaqayn jirnay iyo dhawr dameerle waar ninyahoow armaa waxa lagugu sawiraa blse ninyahow waan kar-hayaa kulankooda oo wakhti badan ma hayo iyaguna shaxaad ayay kolay rabaan, waxaanse la yaabay barigii aan xammaalka ahaa waxaan ahaa nin deeqda caan ku ah oo muhanni ah, iminka 100$ ee aan bixiyo ma iloobo oo waxaan rabaa inaan lacag hello si aan ganacsi wayn ama "shere"ula galo shirkaddo wadanka ka shaqeeya.


Afar sano iyo lix bilood oo aan xafiiska joogay waan ka gacan qabsaday oo maal ayaan yeeshay "Mood iyo Nool-ba leh" .waar ninyahoow sow xoolahani xaraan ma aha ayaan dhawr jeer is waydiiyay, waar yeelko sow kuwaa wasiirrada kaleba wadanka boobaya, waxbuu jantay dhulka oo uu yar xarxariiqay waxa maankiisa kusoo dhacday waar meesha adigu reerkiina ayaad ku joogta ee maxaa xarraanta keenay sow xaq reerku dalka ku leeyahay maaha? Mooji in hadalkaasi gar-yahay .


Waar iminka 4-sano macalin guri ayaa wax baraayey oo nin si fiican wax u fahma ayuu noqday, shahaaddoyin been abuur ahna wuu samaystay, bari dhawyd ayuu ku biiray jamacadda oo uu marmar xaadiro wuxuuna bilaabay kuliyadda "maamulka iyo siyaasadda " oo uu dhawaan ka qalin jabiyey. iminkana wuxuu shahaadada heerka labaad rabaa inaan ku diyaariyo si Online ah jaamacad ku taala "Malaysiya" waar iminka nolosha heer sare ayuu hiigsannayaa "hayaanka iyo hilinka aan ugu jirro hogaaminya dalka ayaan hilaadinayaa oo hayb iyo han-sare ayuu ku hiigsanayaa".


Waxyaabaha xusuustiisa ah ee uu ka qoomameeyo waxa kamid dulmiyo uu galay oo qabyaalad darteed ah, waxa uu shaqada ka erayay labo dumar ah oo wasaarada nadaafad ahaan uga shaqayn jiray oo danyar ah waxaanu badalkooda keenay kuwo beesha ah , shaqaale kalena hadalkooda daa, waxaan kale oo uu wasaarada ka eryay dhalinyaro badan oo wax baratay oo uu meesha ka hurgufay kuwo beesha ahna wuu ku badashay. arrintaas beeshu aad ayay ugu bugaaddisay waxaan lagu tilmaamay halyay xaqa reerka soo dhicin karra.


Waxyaabaha uu ka yaabay! waxa kamid ahaa in ganacsadihii uu bakhaarkiisa xammaalka ka ahaa labo wiil oo uu dhalay oo jaamacad dibada ah wax kusoo bartay in uu u keenay oo shaqalaysiyay:-wuxuu is waydiyay oo horta jaamacada dibada ma waxa ka nasiib roon barrayfatkiii yara ee xaafaddaha ku yaala.


Dhawaan qorashihiisu waa in uu xisbi iska sharaxo oo a u tartamo hoggaanka ugu sarreeya dadlkeena. wadankana uu ku hogaamiyo siyaasad bisil iyo qorshe horumar wanaagsan u hoorseeda qaranka si sahankayga hayaanku u noqdo guusha ibbo furka u ah wadan-keena


Maanta waxa ugu wayn ee horumarkiisa halkan keenay waa beesha uu ka dhashay oo iminka u taqaan siyaasiga beesha gar iyo gardarro way i difacaan isaguna waxaa uu rabaa inuu awooda dalka gacanta u galiyo beesha sida illaha dhaqaalaha iwm.


Hadda wasiirku waa dhiigaystay oo waa ragga ugu xaragadda roon gollaha wasiirada aad ayuuna is badalay oo muqaal ahaan qof hore u yaqaanay ma garan karro
Wasiir "Qawdhan"


Halkee ayuu ku danbeeyay Wasiir Qawdhan.?. Kala soco halkan Qaybta 2aad, halkana kasii akhri.

Waxa Qorey. Mustafe Axmed Maxamed Geeddi.

Contact. Facebook. Mustafe Ahmed Geedi
WhatsApp. 0659555532
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...