Furista Ururada Siyaasada Mise Faham La'aanta inaga haysta Hayadaha Siyaasiga/Xisbiyada...W/Q Eid Ali Osman (Qadafi)
Nidaamka Axzaabta Badan(Multi -party System) waxaynu ka soo xiganay Dal-weynaha Maraykan,waxanay soo taxnayday taariikh fog.
Waxa u bilaabmay wajigii koowaad ee hanaanka Azxaabtu hilaadintii 1792 ilaa 1824, iyadoo wakhtigaasi ay jireen laba Xisbi oo kala Xambaarsana nidaamka Fadaraalka (Federalist Party) iyo kuwo lid ku ahaa (Anti-Federalist Party).
Wajigii Labaad ee nidaamkani soo maray 1820 - 1854 waxan samaysmay Xisbiyada Dimoqraadi (Democratic Party) & Jamhuuriga (Republican Party)oo ah kuwa ilaa hada dhisan.
Isbadalada Qarniyada soo taxnaa azxaabta siyaasiga ahi way koraayeen waxaanay xambaarsanayeen Maba'adi ay iib geyn jireen.
Hadba hadii aynu u soo noqono dhanka Somaliland Wakhtiyadii Maxmiyada waxa ka hirgalay hanaankan waxana la unkay Xisbiyadii.
SNL NUF iyo USC,
2002 Ayaa markale dib loo yagleeley Ururada siyaasada,xisbiyona U gudbeen.
UDUB, KULMIYE iyo UCID.
2012 Ayaa dib loo furay Ururada nasiib daro waxa meesha ka baxay xisbi weyn oo taariikhdiisa lahaa.
2022 Waxa qorshuhu yahay in dib loo furo ururada siyasada,waa sadaro kale oo taariikheed oo la luminayo.
Waxase suurto-gal ah in taariikh cusubi qoranto oo ay dhacdo madaxweyne xisbigiisi ka baxo saaxada siyaasada.
W/Qoray:-Eid Ali Osman (Qadafi)
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!