Xaqiiqada Cidda Dayacday Ee Masuulka Ka Ah Shilalka Gaadiidka Somaliland.

0
Sunday May 12, 2019 - 08:49:55 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1566
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xaqiiqada Cidda Dayacday Ee Masuulka Ka Ah Shilalka Gaadiidka Somaliland.

    Shilalka gawaadhida ee bilihii u dambeeyay ka dhacayay Somaliland ayaa sare u kacay kuwaasi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shilalka gawaadhida ee bilihii u dambeeyay ka dhacayay Somaliland ayaa sare u kacay kuwaasi

oo dhiigbax ku noqday qaranka shacab bandanna ku lee’deen, Wasiirka gaadiidka Somaliland ayaa isaguna hore u sheegay in xog ururin ay sameysay wasaaradda Gaadiidku ay saddexdii bilood ee ugu dambaysay maalin kasta ay dhacaan 9 shilcelcelis ahaan, kuwaasi oo ay ku qudh bexeen dad tiro badan halka dhaawacanu intaas kasii badan yahay.



Haddaba su’aasha isweydiinta mudani waa yaa leh masuuliyadda shilalkan?


Wasaaradda Gaadiidku waxa ay qaranka masuul uga tahay ilaalinta badqabka waddooyinka (Roads safety) duullimaadyada madaniga ah (Civil aviation), gaadiidka badda (maritime transport), dejinta siyaasado lagu hago laguna horumariyo shuruucda gaadiidka, dayactirka iyo dhisitaanka mashaariicda lagu horumariyo kaabayaasha dhaqaalaha IWM.


Haddaba waxaynu ogsoonnahay in wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka Somaliland ay tahay ta qarankan masuulka uga ah hawlahaas aynu kor kusoo sheegnay kuwaasi oo kala badh kamida aanay kaba shaqaynin awoodna aanay u lahayn sida gaadiidka cirka, gaadiidka badda iyo waddo tareen intaba, balse wasaaraddu waxay noqotay mid fadhiid ah islamarkaaana aan dejin Karin shuruuc iyo nidaam sax ah oo lagaga hor tago mashaqadan soo foodsaartay bulshada ee maalin walba qeylo iyo dhiillo kasoo yeedhayso shilalka gaadiidka.


Dhanka kale Ciidanka nabad gelyada waddooyinka ee Taraafikada oo ay masuuliyaddoodu tahay fulinta shuruucda gaadiidka iyo ku ilaalinta darawaliinta nidaamka waddo marista ayaa shaqadoodii noqotay ka urursiga shaxaad yar darawaliinta baabuurta xilliyada ay khaladka sameeyaan.


Ciidamada Taraafikada ayaa kaliya waxa ay ka hawlgalaan halka waddo ee ugu weyn magaalo kasta, waana ciidamada ugu horumarka liita marka la barbar dhigo laamaha kale ee ciidamada waxaana ka muuqata in 28-kii sannadood ee Somaliland ay jirta aany wax horumara samaynin.


Ciidanka Taraafikada ayaa waxa taliye u ahaa sannadihii u dambeeyay Gaashaanle sare Faysal Xiis Cilmi kaasi oo isagana shaqadiisii ku ururtay qabashada warsaxafaadeedyo aan macno badan lahayn oo uu kaga hadlo dhallinyaro lasoo xidh xidhay oo baraha bulshada fikirkooda ku qora.


Shilalkan ayaa waxa inta badan sababa xirfadda wadayaasha baabuurta oo hoosaysa,baaruuta laftooda oo aan la hubin badqabkooda, waddooyinka oo burbursan bilaa calaamado-na ah, lasocod la’aanta xawaaraha gawaadhida xilliyada safarka ay ku jiraan iyo weliba maqnaanshaha siyaasad wax ku ool ah oo dawladdu kaga hortagto shilalkan dhiig baxa ah.


Waxaynu ogayn in 27 bishii Febraayo 2019 uu xilkii iska casilay wasiirkii gaadiidka Masar laguna magacaabi jiray Hisham Arafat kadib markii 24 qof ay ku dhinteen shil tareen oo ka dhacay dalkiisa, waxaana warqadiisii is casilaadda ka aqbalay Ra’iisalwasaaraha, Wasiir Hishaam waxa uu dareemay in masuuliyad saarnayd uu dayacay kana soo bixi waayay, haddaba wasiirka gaadiidka Somaliland Cabdillahi Abokor bal iska daa in uu is casilo’e ma ogyahay kana war hayaa in masuuliyaddiisii oo dayacan ay tahay shilalkan iyo dadkan ku qudh baxaya maalin walba shilalka baabuurta.


Wasiirka gaadiidka Somaliland ayaa muddo hore sheegay in ay keeni doonaan qalab ay ku eegaan badqabka iyo fayoobaanta gaadiidka dalka balse weli wax u hirgalay majiraan.


Ugu dambayn wasiirka gaadiidka iyo horumarinta jidadka Somaliland Cabdillaahi Abokor ha ogaado in masuuliyadda shilalkani ay isaga saarantahay islamarkaana lagala xisaabtami doono, waxaana la gudboon Saddex mid uun:


TA KOOWAAD- waa in uu dejiyo siyaasado lagaga hortagayo dhibaatada nafeed iyo hantiyeed ee baabuurtu sababto si loo yareeyo loona xakameeyo aafadan gaadiidka ee farihii ka baxday.


TA LABAAD - waa in uu soo bandhigo haddii ay awooddiisa kabaxsantahay arrintani keenana sababaha iyo caqabadaha si arrinta looga dhigo Aafo qaran oo u baahan talo qaran isagana ay ka tan badantahay.

TA SADDEXAAD- waa in uu is casilaa sida wasiir Hishaamkii Masar haddii aanu waxba ka qaban karin.


W/Q: Cabdinaasir Odawaa Xasan

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...