26 Juun Maalin Inagu Suntay W/Q Xamse Riiraash
"Wakhti hore ka hor waxa aaggaga barriga somaliland ka kacay wadaniyiin"
Maalmihii xornimada ee geyigeenu waa maalmo inagu weyn,taa oo ah
taariikh xanbaarsan umadnimo iyo dad usoo halgamay 26kii June wallow
ay god madow inagaga dhacday.
Wallow aynu callankii iyo gobonimadii uu engriisku reer somaliland
gaar uu ugu wareejiyay si hawl yari ugu geeyeen koonfur iyaga oo baadi
Doon ugu jira hellitaan shan soomaali ah.taa oo noqotay riyo aan
dhaboobin.
Wakhti hore ka hor waxa aaggaga barriga somaliland ka kacay
wadaniyiin halgan ugu jira iska caabin dal ayna inyarina qoraxdu ka
dhicin.
Kuwaa oo muddo labaataneeyo sanno la dagaalayay Kuwaa oo aan I yar
ka nasanayn iyaga oo ka hortagayay gumayste gaamuray oo inta badan
Dunida xukumayay.
Wadaniyiintaa oo saldgigoodu ahaa aaggaga taleex ayaa iyaguna ubo
fur u ahaa halgamaayadii Kala danbeeyay kadib Markii diyaarado iyo
maraakiib loo adeegsaday si loo wiiqo awoodii kasoo widhwidhasay kana
horjeeday koofil iyo ciidamadii gacanta ku hayay geyiga somaliland
waagaa.
Waxa xusid mudan sidoo kale dadkii iyaguna ka danbeeyay ee iyaguna
halganka waxba Kala hadhin sida Bashir iyo oomaariyo iyo xaaji
afqaloociyo.
Iyqguna waxay mudanyihii xisbiyadii ka saxeexay gobonimada engriiska
ee ay hoggaaminayeen maxamed xaaji Ibrahim cigaal iyo raggii kale.
Taariikhda fog iyo hadduu lagu jiro 2021kii waxa ugu danbeeyay Somaliland oo gashay doorosho isku sidkan .
Iyo wadan ay ka Hanno qaaday dimuqraadiyad iyo Kala danbayn
iyo doorosho xor iyo xallaala oo isku so dhawaysay dhamaan dhinacyada
somaliland. Happy 26jun
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...