Xildhibaan Barkhad Batuun Oo Farriin u Diray Qurbo-joogta Beesha Uu Ka Soo Jeeddo
Xildhibaan Barkhad Batuun Oo Farriin u Diray Qurbo-joogta Beeshiisa Uu Ka Soo Jeeddo

Hargeisa(HWN):-Xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun oo ka mida Mudaneyaasha golaha Wakiillada Somaliland, ayaa sheegay in ummadda reer Somaliland ay abaal u galleen, isla markanna ay jidkii Caddaalada iyo Sinnaanta jeexeen.
Xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun oo ka hadlaayay soo dhawayn loo sameeyay mid ka mida ganacsatadda qurbo-jooga ah oo Xildhibaan Barkhad isku beel ka soo jeeddaan ayaa waxa uu Xildhibaanku baaq u diray Qurbo-joogta kale ee beeshiisa, kuwaasoo uu ka dalbadday inay Maalkoodda ku aaminnaan Somaliland oo aannay meel kale Hanti iska gelin.
"Intii aan odhan lahaa Suldaan Daakir baa yidhi, Aniga baaqaygu waxa weeye waxa Suldaan Mubaarak soo kiciyay ee rajadda ku beeray ee Somaliland jeclaysiiyay ee uu Hantiddiisa u gelinayaa waa Hiilkii iyo wanaagii ay shacabka reer Somaliland muujiyeen ee ay jidka Caddaalada ku jeexeen.
Waxaan ugu baaqayaa Qurbo-joogga uu Suldaan Mubaarak ugu horreeyo oo sidaa Boqorku sheegay lacag 20,000 kun oo doollar ah ayuu Boqor Axmed Iimaan noogu soo hagaajiyay oo aannu Olalihii kaga baxnay, Mubaarig waa nin hiilkaas leh. Qoddobka meesha yaallaa waxa weeye Somaliland caddaalad baa ka dilaacday, Somaliland sharaf baa ka dilaacday.
Qurbo-jooga reerka aan ka soo jeeddo waxaan farayaa oo aan ugu baaqayaa inay Maalkoodda iyo Muruqooddaba Somaliland ku aaminaan, Qolyaha Muusaha, Anaasta, Tumaalaha, Madhibaanka, Wardheeraha iyo Howlaha dhammaantood marka la isku darro baaqaygu waxa weeye Somaliland baa maanta idin xambaartay meel kale oo wanaag idin yaallaa ma jirtee, markaa kiinna Maal haystow somaliland wax ka qabo, Burco wax ka qabo, Berbera wax ka qabo, Hargeisa wax ka qabo, Laascaannood wax ka qabo, Ceerigaabo wax ka qabo oo Boorama wax ka qabo, markaa farriinta Mubaarig waxay turjumaysaa in beeshayaddu soo celiyay abaalkii ay ummadda reer Somaliland noo galleen ee ay noogu hiiliyeen." Ayuu yidhi Xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun
Loading...
Loading...


0 





