Hannaanka Wanaagsan ee Lagu Gaaro Guusha Waxbarashada.
Qof walba oo waxbaranaya waxa uu jecelyahay in uu waxbarashada ku guulaysto
waana arinta subax walba uu u kallahayo sidii uu u soo kororsan lahaa aqoon
wanaagsan .
Laakiinse waxaa laysku dhaafay qaabka iyo hannaanka qofku uu ku hirgelinayo
waxbarashadiisa si uu ugu guulaysto waxbarashadiisa hadaba waxaan halkan ku
soo bandhigaynaa talbaabooyinka kuu horseedaya in aad noqoto qof ku guulaysta
waxbarasahda waxaana ka mid ah:
1- In aad noqoto qof ku nool rajo wanaagsan waayo qofka marka uu raja
wanaagsan leeyahay waxaa u suurtagelaya arimo badan noloshiisa ka mid ah oo ay
waxbarashadu ka mid tahay.
2-Ardaygu waa in ku raja weynyahay in uu guulaysano, in uu wax fahmayo ,in uu
darajo fiicankeenayo IWM
3-In macalinkaaga aad u leedahay aqoon buuxda, oo aad xiriir wanaagsan la
sameysaa, una muujisaa tixgelin buuxda.
4-Nadaafada oo ah shay diinteena islaamku na farayso ayaa qeyb ka ha
talaabooyinka aad ku hormarsiinayso waxbarashadaada waayo ardaygu hadii uu
ilaaliyo nadaafada jirkiisa,dharkiisa,fasalkiisa waxa ay saameyn xoogan ku
yeelanaysaa waxbarashadiisa.
5-In aad heelayo hami oo aad ku xisaabtanto in aad mar walba noqoto ardayda ugu
wanaagsan ee dugisga waxbarashada , waa in aad ku fekertaa sidii aad kaalinta
kowaad ku keeni lahayd.
6-Agabka waxbarashada in la diyaarsado waa arin wanaagsan oo ardayga u
horseedaysa nidaamka, waxaana ardayga laga rabaa in agabkiisa uu diyaarsado
habeenkii sida in uu dharkiisa feeraysto, buugaagtiisa nidaamsado, qalimadiisa si
uusan uga daahin goobta waxbarashada .
7-Dhegeysigu waa arin aad u fiican waana tiirarka ugu horeega ee kuu horseedaya
in aad waxbarashadaada ku guulaysato waayo marka aad macalinkaaga dhegeysato
waxaa kuu fududaanaya in aad hadhowto casharkaaga ku ceshato fahamto
imtixaankana aad ku guulaysato .
8-Inta aad ku sugantahay fasalkaaga waxaa kuu haboon in aad diiwaangeliso
qodobada ugu muhiimsan ee ka mid ah sharaxaada macalinka si ha dhowto aad uga
faa’iidaysato marka aad akhrinayso casharkaaga .
9-In aad weydiiso macalinkaaga wixii aad fahmi weyso waa arin fiican oo kuu
horseedaysa in aad mar walba ku guulaysoto waxabarashadaada, waxaana jirta in
mararka qaar macalinmiintu marka ay weydiiyaan ardayda casharka in ay fahmeen
iyo in kale in ardeydu ay yiraahdaan waan fahamnay , sidaa awgeed isku day in
aad macalinka weydiiso casharka hadii aad fahmin .
10-Feejignaantu waa ay fiicantahay waayo mar walba oo ardaygu uu feejiganyahay
waxa u fududaanaya in waxbarashadiisa uu ku guulayso waay hadii, waa in uu
dareen sanyahay u jeedka uu u yimi iyo waxa laga rabo garwaaqsadaa
waxbarasahda in ay tahay mid mustaqbalkiisa iyo noloshiisuba ay ku hagaagayso.
11-Diyaarinta casharka waa qeyb ka mid ah hannaanka wanaagsa ee waxbarashada
ardayga waayo ardaygu marka uu diyariyo casharkiisa kana jawaabo
waajibaadkiisa waxaa hubaal ah in ay kuu fududaanayso waxbarashadaada,
ogwona in ay kuu fiicantahay mar walba oo aad akhriso casharka ku xiga
casharkaaga oo aad ii akhriso in aad u baahanayso sharaxaad keliya .
12-In aad goob wanaagsan waxa ku akhrisato in aad ku sugantahay hoygaaga
waxbarasho ama guriga waa arin fiican oo kuu horseedaysa in waxbarashadaada
aad horurmar ka gaarto .
13-Qiimeyn guud oo aad naftaada ku sameyso waa loo baahan yahay in aad si
qiimeyso ogaatana qorshahaaga maxaa kuu hirgalay maxaase qabyo kaa noqday
Ugu danbeyntii ku xirnaw Alle si aad ugu guulaysato waxbarashadaada, mar walba
oo ardaygu uu ku xiranyahay rabigiisa waxa uu noqonayaa arday wanaagsna
waxabarashadiisna ku guulaysta .
#Buuga: Kor U qaad aqoontada.
W/Q/ Abdulqadir Yare
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!