Qaxar dumar iyo Raaxo rag

0
Saturday June 26, 2021 - 09:45:49 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 3033
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaxar dumar iyo Raaxo rag

    Biil keen ma dhaho, lacag aanba seddex waqti cunnideeda goyn bu dhibaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Biil keen ma dhaho, lacag aanba seddex waqti cunnideeda goyn bu dhibaa


Aroor baan kalahaa oo sariirta baan kaga so hor toosaa abaara Tobbonka saac ee habeenimo, wajibaad baa isaaran Wan isdiyaariya si aan u gutto wajibka sunnadii baa iska bixiyaa inleen faradka lama gaarinee. Waxan galaa jiko ama kushiin hadba sida lo yaqaan waxaana shidaa dab si aan wax ugu kariyo inta aan shaaha karinaayo baa shanqadh aan lagu so toosi karinba dhawaaqdaa. Markaa inta uu haf kuso kaco qaylo iyo muran aan loojoogin buu galaa waaba haddii la i tumin ama la idilin. Waxan la xarbiyaa Calooshiisa waxa uu galin lahaa misna waa kaa qaylo dariska so kiciya inta uu Imaamka masjidka dhawaaqinba.

Shaaha ka dib, waxan dubideeda galaa canjeero/laxoox, uu cuni lahaa. dhuxul baan shidaa, waa gawaabsi inta so hartay xaawo baan ku kaalmeeyo si kariska igu sii socdo, qiic/uun, ama qaac hadba sida loo yaqaan baa is qabsada guriga. Anigii ku dhaxjiro qiica darti indhaha i huraan misna kala qaadi karin baa xoog ukala furaa. Yareen awgiisa waxan damcaa inan babiyo balse babiskaba mayaal oo gasac caanaha daboolka kore ee caaga ah baan ku babiyaa waa intaas uu huraa, qiicana yaraada. Hadduu huro xaawadu way sii dhamaan oo birtu canjeerada way oloshee dab badan ma xamisho. Waaba Haddii la ii ogaan lahaa.

Waxan ugeeya shaax iyo canjeerada oo kulul macsaro na waa ugu sii daraa ileen aroor hore meel laga so adeego malahee. Fiicnaa laheeda haduu ku cuni lahaa muran la'aan, mar uu dhaho way gubatay iyo mar uu dhaho waa cayriin, labadaa haduu sheegin wuxu leeyahay waa qabow oo mid kulul iikeen ama waa kuleel ee iso qabooji. Intaaba hadduu ku simi lahaa wacnaan laheeda. Wuu cunay alxamdullillah maba jirtee shaqada markuu aadaayo iyo tan marku so laabto cuni lahaa buu qaylinaaya.

Biil keen ma dhaho, lacag aanba seddex waqti cunnideeda goyn bu dhibaa misna seddexda waqtiba buu doonaayaa, waxuu laqmiyo. Waaba Haddii maalmo laga waayin, waxaan u anbabaxaa dhankaa iyo suuqa waxaan qaataa lacag aanba lacag ahayn marka aan tago suuqa kii labo kun la idhaho kun baa ku raadiya wan so wareegaa suuqa qudaarta ilaa ugu danbeeyn kawaanka hilibka aan imaado kadib ninka hilibka inta uu isheego qiimo in ka yar ba wataa hilibka baa wax laga dhimi micnaha hadey rubac ama tumun baa la I jari ileen waaba tabar lacag.

Ma garto Haddii aan so daaho inu baxo misna quraacdii inta taal uu cuno shaqada aado iskaba daa wicitaan oo maxaa uso daahday igu dhaho, waan imaada ano daalan naf la ah misna qayli baa albaabka layga furaa, dhagno uma dhigee qalbiga ka ooyaa oo jikadii baan ku laabta si aan ugu sameeyo maraq uu ku cuno canjeerada, waaba haddii la iiga tagin, waan boobsiiya oo qiici mar kale sidii aan u galo. Inta kariyo quraac isku dulsaaro baan u geeya, ama dood ama in la iga dabo keeno oo la igu so fardhiyo.

Hadduu qaboobo waa shar kale, hadduu kuleel noqdo waa shar kale iskaba daa wax si noqdaanee, misna inta musa sheegin qiic baa kaso uraayo bu kula dagaali, kama taqaanid nin lacag ku filan dhiibtay ama maqaaxi fadhiya, Mar kii baa qalbiga ka oynaaye waa niyad jab kale. Hadduu mar qura bixi lahaa ugu yaraan nafis baan heli lahaa. Haduusan jiifka dib ugu laaban. Wuuba baxay Alxamdullillah inta aan dhaho baa nadiifintii guriag aan galaa, waxaaba la jooga xiligii qada marka sida uso dhameeyo hadana tii qiica baa I sugaysee wanka galaa ileen ``lama huraan waa cooska jilaale``

Albaab aad umoodo in la so jabinaayo baa dhawaaqa carar oo fur ahaa, salaan nabadgalyo ma jidho. Waa maxay qiicaan? buu hadal ka bilaawa, ka aamusto ma roona la hadasho kaba daran, waan babiyaa oo wan yareeya tabtii quraacda baa taalo nabad lagu cuno ma jirto. Intu dhargo daacsii la yeero buu baxaa cir iyo dhul kaalay sheeg meel uu cag dhigo. Waa tii tu ka daranee hoshii baa sii wataa nasiino sadkeeda daa ee naftayda baa hilmaama, Roonaaba Rabbi baa og. Daal, haraad, gaajo ba'an ban ihaysa misna ima muuqan karaanba inta aan asiga xasuuste.

Casriyo buu rabaa oo waxaad mooda in uu ka dheereen hareeraha guriga hadana waa kaa uso xaroodee. Ma yaalo iyo hada sameyn tuna ma aqbalo. Tabtii quraac iyo qado baa kulaaban hadayba ka darin, Wah, naf la caari baan ahaa marki hore hadana sii wad dhibka dhibkiise wanba casho siiyay hadduu seexan laha nasiino baan heli lahaa. Tv bu daartaa wuxu isku maldaaliyo bu rabaa. Anne sheeko buu iga rabaa so ma wacnaan laheen inu i dareemo daalkayga uu fahmo?

Aroortii wuxuu gooskiisa saaro calooshiisuna ku rido bu rabaa, leylkiina war buu igu dhafriyaa aan nacfi ba laheen. Ku samri lahaa Haddii maalinkii nasiino heli lahaa balse waa ado so jeedo riyo gal maalin cad. Markuu hurdo baan damcaa seexo oo adna hurud balse indhihi waa taa huraya qiica dartii. Lafihiina laxaw daal awgii. kaba daranoo wuu kugu sifaadi nacfi buu iga raadin

Sidii dameerkii buu dusha iiga dhici hadal iyo xod_xodasho doona ma yaqaan sarbeeb iyo hadal hoosaad ma yaqaan shaqadiisa markuu dhamayso sidii bahal dharkay buu inta iga kaco uuna is kala bixiyo buu dhinac isku roger!! kadib nasiino yar uu sameeyana waxa uu igu qasbaa in aan biyo u soo kululeeyo musqushana aan u geeyo shukumaan iyo shaanbadana aan ugu daro.

Waxaaba masii dan quuridiisa baa ka hurdi karin. Waxaadba moodo intuu qaylo cod dheera ku dhawaaqaayo oo qolkii kale baa kaso maqli, ma asaaba kala jecel hurdadii buu wataaye. Hadba dhinac isku rogrogayaa waa xiligii aan sariirta ka kalihi lahaa hadan tabtii maalinki so idlaatay.

Waaba ciqaab aduunee maxaa la igu ciqaabi oo galabsaday? Misna waa inkaare yaa iso habaaray? waxa uu heystaa dhaqan waaye waa sida uu ku doodayo uma maleeyo in aan wax uun sameyn karo waa iska aduun waana iska dhaqan baan niyadda ku dhistaa. mar uun in aan ka bixi doono baan iska dhaadhiciyaa anigoo 50sano gaarin baan raabuqay howsha tiradeeda iyo sida uu doorada Camal iiga dhalaayo in uu ila shekeysto buuba iskala weynayahay

Rabbow Inoo yasir

W/Q Zaynab xasan saciid #samraan


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...