Sababihii Ay Ku Timid 'Heesta Aan Maalno Hasheenna Maandeeq'.

0
Thursday June 24, 2021 - 11:36:15 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1145
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sababihii Ay Ku Timid 'Heesta Aan Maalno Hasheenna Maandeeq'.

    W/Q: Cali Cabdi Coomay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Cali Cabdi Coomay

Heestani waxa ay ku jirtay riwaayadii Gardiid Waa Alle Diid ee uu abwaan Saxardiid Jebiya (AHN) curiyey sannadkii 1959 bishii saddexaad. Abwaan Saxardiid wuxuu riwaayadan ku saadaaliyey in doorasho ay saddex xisbi geli doonaa oo laba xisbi ay aqlabiyad heli doonaan, mid uu diciif noqon doono ay dhici doonto. Wuxuu saadaashiisa ku saleeyey wacyigii bulshadu wakhtigaasi taagnayd. Amarka alle sidii bay u dhacdy. Riwaayada oo dadka meteliyey ay badnaayeen sidoo kale heesa iyo murtida kale ee ku jirtayna badnayd, waxa aynu soo qaadaan doonaa oo keliya heestan Maandeeq sidii ay ku timid ee ay riwaayadda ugu jirtay.



Riwaayada waxa ku jiray wii la yidhaa Guhaad oo jeclaaday gabadh la odhan jiray Gaasira. Jecelayku wuxuu u badnaa mid ka yimid xagga Guhaad. Hasayeeshee Gaasira aad ugumu weyneyn. Guhaad ayaa si badheedh ah waan ku doonayaa ugu yidhi Gaasira oo jeceylkiisii caddeeyey, halka Gaasirina ay tidhi aynu marka hore is-barano ee deg dega joogi. Halkii ayey Gaasiri kaga dhaqaaqday Guhaad. Guhaad oo dhaawac qaba ayaa halkii foorarsaday. Guhaad wuxuu ka yimid Miyi, ka dib aabihii ayaa miyigii ka imanaya oo Guhaad ku odhanaya aabo kaalay oo reerkii Miyiga nin u noqo oo xoolihii hay, anigu waanigan gaboobow oo xoolo ilaalin kari maayee, weliba ku guurso miyiga.


Guhaad taladii aabihii wuu diiday oo umay cuntamin, waxaanu go’aan hoose ku gaadhay inuu magaalada iska joogo oo uu xisbiyadii Soomaalilaan ee 1960-kii ku biiro. Markii ay rumowday saadaashii Abwaan Saxardiid Jebiya (AHN) ee doorashadii baarlamaan ay galeen saddexdii xisbi ee kala ahaa SNL, USP iyo NUF waa tii ay SNL/USP ay heleen aqlabiyadii golaha Baarlamaanka. Markii ay guushii raacday is-bahaysigii labadii xisbi ee SNL/USP ayuu guddoomiyihii SNL isu keenay Guhaad iyo Gaasir ee hore isu jeclaaday, halkiina wuu isugu dhisay. Farxaddii arooskooda ayey qaadeen hees reer cadmeedku ula baxeen” Naaqatal Xoriya”. Halka Abwaan Saxardiid Jebiya (AHN) isna heesta ula baxay’ Hasheenna Maandeeq’. Waxa ku luuqeeya Maxamed Axmed Kuluc (AHN).


-Waa maalin muraniyo makeeki hadhee

-Aan maalno hasheenna Maandeeq

-Maggowdo candhadii gollaha marisaye

-Aan maalno hasheenna Maandeeq

-Waa maalin saxiixu maareeyee

-Maanteey curatooy mataanaysee

-Aan maalno hasheenna Maandeeq

-Dhaaxaan murugiyo rasaas u mare

-Waa maalin cad oon madowbeeynne

-Aan maalno hasheenna Maandeeq

-Maggowdo candhadii gollaha marisaye

-Aan maalno hasheenna Maandeeq.


Cali Cabdi Coomay

Suxufi, qoraa ah.

Hargaysa, Soomaalilaan

[email protected]


Tixraac: Buugga Maandeeq ee laga qoray Abwaan Saxardiid Jebiye (AHN.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...