Macallimiinta sidooda waxay naga mudanyihiin jaceyl iyo ixtiraam

0
Thursday June 24, 2021 - 10:03:20 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 734
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Macallimiinta sidooda waxay naga mudanyihiin jaceyl iyo ixtiraam

    Marna ha amaanin jawaabta ay ardayda bixiyaan kaliya ee sidoo kale amaan su'aalaha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Marna ha amaanin jawaabta ay ardayda bixiyaan kaliya ee sidoo kale amaan su'aalaha



Haddii aad su'aal waydiisid arday oo ay kulligooda gacmaha wada taagan mid ka dooro kadib markuu jawaabo waxaad tiraahdaa inta ku raacsan jawaabtaas gacanta taaga,sidaasna waxay ku dareemayaan ayagoo dhan inay ka wada jawaabeen su'aashii.

_______

...

Marna ha amaanin jawaabta ay ardayda bixiyaan kaliya ee sidoo kale amaan su'aalaha ay keenaan adigoo dhahayo waa su'aal aad u wanaagsan oo arday wanaagsa uu ina waydiiyay

Ama inaad dhahdid waa su'aasha aan sugayay maantoo dhan.

_______

...

Markaad aragtid ardayda inaysan xisadda aad ula socon oo ay sheekaysanayaan waxaad ku tiraahdaa imtixaan yar ayaan galaynaa ogaada kana dhabeeey.

_______

...

Mar marka qaar markaad wax sharxaysid intaad xogaa aamustid waxaad fiirisaa ardayda wajigooda waxaana ku tiraahdaa wax muhiim ayaan idiin sheegi rabaa ....waan idin jeclahay dhamaantiin

Eraygaa wuxuu kuu sababayaa ardayda inay ku ixtiraamaan

_______

...

Caqli badnida macallinka waxaa ka mid ah markuu arday soo daaho adigoo xisadii ku jira inaad sharaxaad kooban ugu soo celisid wixii dhaafay si uu u fahmo kadibna aad kasii wadid meshaad ku hakatay.

_______

...

Arday haku dhex canaan fasalka dhexdiisa sababtoo ah saxiibadiisa dhexdooda ma jecla in lagu qiimo tiro ee si gaar ah ula bax kadibna la hadal waxaad arkaysaa inuu si wanaagsan kuu fahmaayo

Xasuusnoow wax baridda waa howshii Nabiyada adna madaama aad howshaas oo kale haysid dadka u dhimri una noqo fariin wanaaagsan

Luqmaan Aadan.


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...