Taariiqda Wax Ka Baro Dhulka Soomaaliya

0
Thursday June 24, 2021 - 09:46:33 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 1268
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taariiqda Wax Ka Baro Dhulka Soomaaliya

    Laba qowmiyadood ee degan dhulalkaas aan kor kusoo sheegay ,qowmiyad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Laba qowmiyadood ee degan dhulalkaas aan kor kusoo sheegay ,qowmiyad




Ma ogthay gobolka soomaaliyeed ee xabashidu ula baxeen NFD xoogana ku heestaan uu ka weynyahy,dhulka falastiin tiro 4 jeer ah .

Dhulka falastiin bedkiisu waa 26,990 Km²

Daanta galbeed waa 5,860km²

Marinka qaza waa 360km²

Inta yuhuudu heesatana waa 20,770km²

Halka dhulkeena oo Kenya ay xooga inooga heesato uu bedkiisa gaaraayo 127,358.5 km²

(Boqol iyo labaataniyo todobo kun seddex boqol konton iyo sideed laba jibaaran)

Laba qowmiyadood ee degan dhulalkaas aan kor kusoo sheegay ,qowmiyad (Palestine)dadkii isku heebta ahaayeen waa kasii jeesteen inee u hiiliyaan oo caawiyaan waxee taas ka doorbideen in dad yahuud (Jewish) la dhaho u hiiliyaan oo dhulka dadkii ay isku dhiiga iyo diinta ahaayeen xoog loo siiyay u aaminaan in yuhuudi leedahay.

Balse dadkii dhulkaas degnaa ay la dagalaaan cadwogii bililiqeesaty dhulkooda dagaalna kula jiraan in ka badan 70 sano .

Halka qowmiyada kalana(somaali) dhulkeedii xoog looga qaatay oo dadkii degnaana loo sheegay in maanta wixii ka danbeeya ay yihiin somali Ethiopian or somali Kenyan cajiib !!markee isku dayeen inee xoriyad helaan oo diideena in arinkaas yeelan loo adeegsaday soomaalidii kale oo ay walaalaha ahaayeen Aysana kafilaneen arinkaas inee caawiyaan mooye ee dadkii hogaamiyaasha u ahaaiska caabintaas cadwaga gacanta loo geliyay iyadoo la dhahaayo waa argagaxiso oo dowlad hebel ayuu denbi ka galay!...

Weligey ma arkin siyaasi soomaali ah oo dhahaayo Kenya ama Ethopia dhul ay naga heestaan, taas badalkeeda waxee dhahaan dadka aan walaalaha nahay cajiib! Bal Ethopia iyo Kenya intee walaalo ku noqonay.

Xanuunka ,shidada ,dhibaatada baaba'a iyo daryeel xumada heesato walaalahaas ku hoos nool cadawgaas arxanka daran wlhi maahan mid laga sheekeen Karo .

Dhulka soomaaliyeed inmidnimo laga wada dhigo ayuu u baahanyahy min bari,galbeed, koonfur ilaa waqooyi.. markaas ayey imaan doontaa guusha dhabta ah oo umad walba raadiso.



AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...