Muuse Biixi Ma Qaaddan Doonaa Go'aankii uu Qaatay Daahir Rayaale Doorashaddii 2005-tii?
Muuse Biixi Ma Qaaddan Doonaa Go'aankii uu Qaatay Daahir Rayaale Doorashaddii 2005-tii?
Hargeisa(HWN):-Loollanka Shirguddoonka Golaha Wakiillada Somaliland ayaa Xaraaraddiisu ay cirka isku shareertay, kaasoo u dhaxeeya Xisbiyadda isbahaysiga mucaaridka Somaliland iyo Xisbiga talada haya ee KULMIYE oo isagu helay tiro yar oo Kurraasta golaha Wakiillada ah, waxaannu isku dayayaa in Xubno Xildhibaanno ah uu ka soo jilaabto labadda Xisbi mucaarid, halka ay iyagunna difaaca xidheen, isla markaana ay samaynayaan isku dayo ay Xildhibaannada KULMIYE ku soo Xod-xodanayaan.
Haddaba loollanka Shirguddoonka Golaha Wakiillada Somaliland ee u dhaxeeya isbahaysiga Mucaaradka Somaliland iyo Xisbiga talada haya ee KULMIIYE, ayaa ah mid u eg kii isbahaysiigii UCID iyo KULMIYE ay sannadkii 2005-kii ku qabsadeen shirguddoonka Golaha Wakiillada Somaliland,isla markaana ay kaga adkadeen Xisbigii UDUB oo xiligaas tallada dalka hayey,balse wuu ka xamaasad badan yahay.
Madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin oo ahaa Guddoomiyaha Xisbigii UDUB ayaa xilligaas sameeyey dedaalo kala duwan oo uu ku doonnaayey inuu ku mijo xaabiyo isbahaysiga UCID iyo KULMIYE,isagoo Xisbigiisu u baahnaa keliya lix Xilhdibaan si uu kooramku uu ugu buuxsamo,balse uma ay suuragelin,waxaanu go’aansaday inuu iska iimaansado intii uu haystay,isla markaana uu u badheedho in Kalfadhiga uu wakhtigiisa ku qabto oo aan dib loo dhigin,maddaama uu oggaa in aanu shirguddooonka helayn,haddana waxa uu sameeyey dhiiranaan,taas oo ahayd in ay Xildhibaanadiisii yimadaan Golaha oo ay dhammaan ka soo qayb-geleen kalfadhigaas.
Dhanka kale, Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE ahna Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo doorashadii Golaha Wakiillada ee dalka ka dhacday uu Xisbigiisa KULMIYE helay 30 Xildhibaan oo u baahan inuu helo 12 Xildhibaan si uu kooramku uu ugu buuxsamo,balse taas ayaa adag xilligan,maddaama oo ay si weyn isku hayaan isbahaysiga Mucaaradka Somaliland oo iyagu haysta aqlabiyadda Golaha Wakiillada,isla markaana ku heshiiyey inay xubnaha shir Guddoonka kale qataan,kuwaas oo qaydhinka ku sii kala qaybsaday xubaha Shir Guddoonka, iyadoo Xisbiga WADDANI uu qaatay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada,halka Xisbiga UCID uu isna qaatay labada Guddoomiye ku-xigeen ee Golaha.
Geesta kale, waxa la is weydiinayaa Muuse Biixi ma qaadan donnaa go’aankii geesinimadda lahaa ee Riyaale uu qaadatay xilligan oo kale ,Madaxwene Biixi ma ku furri doonnaa kal-fadhiga koobaad ee Golaha wakhtigiisi,? mise marka uu oggaado in aanu haweysanayn shir Guddoonka Golaha waxa uu bilaabi doonnaa xeelado kale iyo xubnaha xisbigiisa oo ka muquurta kal-fadhiga Golaha Wakiillada,? sida haddaba ay xubnaha Golayaasha degaanka ee Xisbiga KULMIYE ay fadhiyadda qaar uga muquurteen, marka ay arkaan in laga haysto aqlabiyadda,waxaynu dhawrnaa waa qabsoomida doorashada shir Guddoonka Golaha Wakiillada iyo tallaabooyinka uu qaadayo Madaxweyne Biixi nooca ay noqon doonnaan.
Loading...
Loading...