Muuse Biixi Iyo Wefti uu hoggaaminaayo oo gaadhay Berbera
Hargeisa(HWN):-Muuse Biixi Cabdi iyo Wefti uu hoggaaminaayo, ayaa maanta gaadhay magaalada

Hargeisa(HWN):-Muuse Biixi Cabdi iyo Wefti uu hoggaaminaayo, ayaa maanta gaadhay magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil, Sida lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska warbaahinta ee madaxtooyada.
Weftiga hoggaamiye Biixi, ayaa markii ay halkaasi gaadheen waxaa ku soo dhaweeyay maamulka gobolka Saaxil iyo degmada Berbera, Siyaasiyiin iyo Madax kale.

Qoraalka ka soo baxay madaxtooyada, ayaa lagu sheegay in Hoggaamiye Muuse Biixi iyo Xubnaha Weftiga ah ee la socda, ay magaaladaasi u tageen safar shaqo.
Muuse Biixi waxaa safarkiisa ku wehelinaaya Xubno ka tirsan golihiisa Wasiirrada, Saraakiil Ciiddan iyo Xubno kale oo Xukuumadiisa ka tirsan.
"Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo oo hawlo shaqo uga baxay caasimadda Hargeysa, ayaa maanta gaadhay xarunta gobolka Saaxil ee Berbera.” Sidaa ayaa lagu yidhi qoraalka ka soo baxay xafiiska warbaahinta ee madaxtooyada.
Waxaa kale oo qoraalka lagu yidhi, "Madaxweynaha iyo xubnaha weftiga ah ee la socda oo safar shaqo halkaas u tegay, ayaa waxa si diirran u soo dhaweeyey madaxda gobolka Saaxil iyo degmada Berbera, siyaasiyiin iyo madax kale.”
Loading...
Loading...