DP World ayaa Dekadda Berbera Ku Maalgalisay $440 million Geelleyddii Ay ugu timina waa Dulmantay 6 sanno ka dib Waa Been Aan La Rumaysan Karin.....W/Q Cabdi Muxumed

0
Wednesday June 23, 2021 - 21:07:04 in Articles by
  • Visits: 1642
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    DP World ayaa Dekadda Berbera Ku Maalgalisay $440 million Geelleyddii Ay ugu timina waa Dulmantay 6 sanno ka dib Waa Been Aan La Rumaysan Karin.....W/Q Cabdi Muxumed

    DP World ayaa Dekadda Berbera Ku Maalgalisay $440 million Geelleyddii Ay ugu timina waa Dulmantay 6 sanno ka dib Waa Been Aan La Rumaysan Karin.....W/Q Cabdi Muxumed

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

DP World ayaa Dekadda Berbera Ku Maalgalisay $440 million Geelleyddii Ay ugu timina waa Dulmantay 6 sanno ka dib Waa Been Aan La Rumaysan Karin.....W/Q Cabdi Muxumed


Marar badan ayaan u sheegay saaxiibaday in dadka reer Somaliland ee shicibka ahi ka siyaasisan yihiin, kana waddanisan yihiin, ugana faham badan yihiin waxa dalkoodda ka socda kuwa iskugu keen sheegga inay yihiin siyaasiyiin kala dhiliya siyaasadda gabbigeedaba. Sheegashadoodaasi se waa been in la rumaysto ay aad u adag tahay.

Waxaan Hadhwanaag news ka halacsaday koox ka soo jeedda gobolka Hawd oo aan is leeyahay iyaga iyo dadka ka soo jeedda gobbolkaasiba waxa ay ku suntan yihiin waddaninimo dheeraadda oo aanay lahayn Somaliland inteeda kale, taasi oo ah mid ay dheer yihiin dhiggoodda kale ee reer Somaliland. Waana mid in lagu sharfo ay mudan yihiin runtii.

Kooxdaa Salaadiin iyo wax garadka ee gobolka hawd ka soo jeeddaa maxa ay ka yidhaahdeen maalgashiggaa faalsadda ah ee la inagu indho sarcaadiyay sannooyinkii ugu danbeeyay kaasi oo ah $440 million ayay inagu maalgalisay Dubia iyo wax aan sii ridnayn oo aad arkayso Maareeyaha dakadda Siciid Xasan oo inta loo galiyo koofiyad caagga una sacabinaya Wiish yar oo ay Dubia dhowr Sanno ka dib keentay. Iyadoo uu buray mar hore Heshiis ku sheeggii laga qariyay xataa Gollaha Wakiiladda qaar ka mida sida Xidhibaan Xaamud oo laga tukhaantukhiyay Gollaha Wakiiladda oo aan la dhawrin xeerka gollaha u yaala iyo xasaanadda xildhibaanadda. Arrintan oo ay qoyskii hore ee Madaxtooyadda Somaliland u igmadeen hawshaa Mr Osama Bin laadin ama Muhanad, kaasi oo isna ka mid ahaa kuwii duulduulku ka soo gaadhay heshiiskaa xaaraanta ahaa ee lagu dhaxal wareejiyay Dekaddii ugu waynayd Somaliland iyo Geeska Afrikaba. Inta aragtay waa ay koobnayd oo waxaa kow ka ahaa Sacad Cali Shire oo ahaa loo tilmaame aan waliggii wax iska Waydiin waxa uu saxeexayaa ma yahay mid danni ugu jirto Somaliland, sax ah oo loo soo maray qaab sharci ah iyo in kale. Intaa midna isma waydiin ee waxa ku duuggay uun saxeex. Waxaanan Sacad Cali Shire ugu yeedhaa inuu ahaa walina yahay qabbaan hadba cidda madaxtooyadda Somaliland fadhidaa ku adeegato oo aan lahayn wiqiyad maskax ah oo uu isku waydiiyo waxan aad fulinaysaa ma yahay sharci, danise ma ugu jirtaa Qaranka Somaliland oo ah mid habaar qabayaali goor walba taladiisa gacanta ku dhigaan?

Sheekh Maktuub oo ah kan Imaaradda Dubia xukuma asalkiisuna yahay Iiraani aad xariif ugu ah khamaarka fardaha. Waxa uu sidoo kale xariif ku yahay habka lacag badan looga soo daynsaddo bangiyadda waddamadda galbeedka, dabadeedna wadamadda jilicdasan sida Somaliland, Jabuuti iyo kuwa la midka ah dakadahoodda loo xidho 30 sanno iyo wax la mid ah. Isaga oo intii uu galiyay Billion laabkeed ka sameeya, laakiin aanay taa ku baraarugsanayn kuwa ka taliya haddii ay noqon lahayd kan maanta iyo kii ka horeeyayba. sacab iyo mashxarad la isla oogsaddo marka wiish yar la inoo keeno lana yidhaa Maanshaa’ala.

Sheekh Maktuub waxa toddobaadkii hore UN-tu waydiisay bal inuu soo kala caddeeyo raq iyo ruux halka ay ku danbaysay inan uu dhalay oo uu ku xabisay gurri iyadoo dhawr iyo Soddon sano baarka ka jartay, ifkana uu u diiday. Qofka noocaas ah ee ilmihii yaraa ee uu dhalay sidaa u galay ayay qaar Somalilad u dhashay ii sheegayaan inuu yahay nin maalgashi ugu yimi dalka. Waxaanse filayaa inay maalin iman doonaan kuwii la xisaabtami lahaa ee kursiga soo fadhiisan lahaa, ka dibna si dhab ah uga daba tagi lahaa heshiis ku sheegaa $440 million oo aan waliba wada dhab ahayn kaasi oo ina kalifa doonaa Billions 30 sanno. Soddonkaas sanno oo 24 sano oo ka mid ahi soo socdaan,6 sano oo imika tagayna Maktuub ayaa kaantaroolayay Dakaddeenii oo siduu doono ula dhaqmayay muwaadiniinta reer Somaliland, ha ahaadaan kuwa wax kala soo daga ama ha ahaadaan Geellayddii ay ugu yimaadeen Dekadda oo ilaa 40 ama 50 sano ka raray Garbahoodda oo ay ka hadlayeen Saladiinta beesha Balligubadle oo xukuumadda baaq u dirayay ilaa heer Madaxwayne u baryay in shaqaale rasmiya laga dhigo Geellaydda oo ka kooban bulshadda Somaliland oo dhan haddiiba ay dirqi iyo tux un hore DPW u aqbashay in ay shaqaale rasmiya ka dhigto Xamaliinta guddaha Maraakiibta ka soo rogga kuwan dibadda ka xamalaana ay kuwaas uun la mid yihiin sida ay Salaadiintaasi sheegeen ayna runtood tahay. Maalin baase iman la heli doono ciddii la xisabtami lahayd oo aynu isla marakaana kala ogaan doonaa inuu ahaa Sheekh Maktuub iyo inuu ahaa Sheekh Khamaarwale Dakeeddeenii dhaxal wareejistay.

Aan u soo noqdo wax garadkii beesha Baligubadle ee waxa ay u dirayeen baaq Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi (Wax Ma Yaqaan), kaasi oo ay gaadhsiinayeen farriin ah in hoos loo eego boqolaal geellay ah ama xamaaliin ah oo ahaa kuwa Dibadda ka sii rara marka alaabtu soo dagto, kuwaasi oo ugu baaqaya madaxwayne Muuse Biixi Cabdi (Wax ma yaqaan) in la shaqaalaysiiyo oo laga dhigo shaqaale rasmiya. Halka bay yidhaahdeen kuwii guddaha maraakiibta in iyaga la shaqaalaysiiyay oo DP World ka dhigtay shaqaale rasmiya oo tolow waayo kuwan garbahoodda la raranayay intii Somaliland jirtay ee ah 30 sanno? oo aan lahayn xaq iyo xuquuq hawlgabnimo maantana la leeyahay si aanay xaq iyo xuquuq u yeelan la idinkama dhigayo shaqaale rasmiya, waar tan oo kale yaa arkay?

Haddaba wax garadka Beesha Balligubadle waxaanay ka war qabin in cidda kaliya ee ka faa’iiday heshiis ku sheegaa DP World ay ahayd Maktuub oo heli doona Billions Dollar 30 sanno ee uu xidhay Dekadda Berbera, qoyskii Siilaanyo oo Qasri 13million ah kaga iibsaday Dubia iyo intii uu luflufku ka gaadhay sida Maxamuud Xaashi Cabdi (Osama Bin Laadin), Zam-zam Cabdi Aadan iyo wixii la hal maala.

Kolkaa wax garad wax badan oo aad mo'ogtihiin baa jira waadse ku mahadsan tihiin inaad u damqataan boqolaalka geellaydda ah ee garab raratadda ah oo aad u haysataan in ay jirto xukuumad dhawaaqiinu dhagaheedda ku dhacayaan, laakiin taasi ma jirto oo idinka ayay idinku hadhay dad wali xisaabinaya inta qoys ee ku xidhiidhsan geellaydan aad u doodaysaan kuwaasi oo ay ku tiirsan tahay noloshoodu, gadhkuse gadhkaad moodaysaan ma'aha.



Qore: Cabdi muxumed

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...