Xisbiga WADDANI Oo Ka Hadlay Eedo Ay U Soo Jeeddiyeen Qaar Ka Mida Murashaxiintii Hadhay Ee Xisbigaas

0
Wednesday June 23, 2021 - 17:24:33 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1179
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xisbiga WADDANI Oo Ka Hadlay Eedo Ay U Soo Jeeddiyeen Qaar Ka Mida Murashaxiintii Hadhay Ee Xisbigaas

    Xisbiga WADDANI Oo Ka Hadlay Eedo Ay U Soo Jeeddiyeen Qaar Ka Mida Murashaxiintii Hadhay Ee Xisbigaas

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xisbiga WADDANI Oo Ka Hadlay Eedo Ay U Soo Jeeddiyeen Qaar Ka Mida Murashaxiintii Hadhay Ee Xisbigaas


Hargeisa(HWN):-Masuuliyiin ka tirsan Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI ayaa Beenniyay War ka soo baxay qaar ka mida Murashaxiintii u tartamaayay Doorashooyinkii isku sidkannaa ee golaha Wakiillada iyo Deegaanka, kuwaasoo sheegay in Codkii ay bulshaddu siisay uu ka dhacay Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI.
Cabdiqaadir Jirde oo Ka Waramay Sababta Uu Uga Baaqday Shirka Golaha Dhexe Ee Xisbiga Waddani – HargeisaPress


Guddoomiyaha ku-meel gaadhka ah ee Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde oo Warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeisa, ayaa sheegay in Doodda Murashaxiintu ay tahay mid jabban, taasoo uu ku tilmaamay mid aan suurto-gal ahayn in Murashax uu ku dooddo Xisbigaygii baa i dhacay.

"Inay yidhaahdaan Xisbigii nagu soo tabcay ayaa na Dhacay ama na Xadday maaha wax suurto-gal ah." Ayuu yidhi Cabdiqaadir X. Ismaaciil Jirde.

Guddoomiyaha ku meel-gaadhka ah ee Xisbiga WADDANI Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde waxa uu ku doodday inaanay iyagu Xisbi ahaan doorashadda maamulkeedda gacanta ku hayn oo doorashadda ay maamulkeedda lahaayeen Guddiga doorashooyinku, balse waxa uu sheegay haddii ay Cod xaddi karraan, inay Xaddi lahaayeen Xisbigii ka soo horjeedday, laakiin aannay sax ahayn inay Xaddaan Murashaxiintooddii.

"Haddii aannu Codad xadayno waxaannu Xaddi lahayn Codadka Xisbigii naga soo horjeedday ee KULMIYE" Ayuu yidhi Guddoomiye Cabdiqaadir Jirde

Loading...
Loading...