Madaxweynaha Jubaland Muxuu ka Yidhi Shirkii Burburay Ee Garoowe?

0
Sunday May 12, 2019 - 01:14:32 in News by
  • Visits: 2848
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Jubaland Muxuu ka Yidhi Shirkii Burburay Ee Garoowe?

    Madaxweynaha Jubaland Muxuu ka Yidhi Shirkii Burburay Ee Garoowe?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Jubaland Muxuu ka Yidhi Shirkii Burburay Ee Garoowe?


Muqdisho(HWN):-Madaxweynaha maamul goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam(Axmed Madoobe) ayaa ka hadlay burburka ku yimid shirkii wada tashiga ahaa u dhaxeeyey dawlada federaalka iyo maamul goboleedyada.




Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa markii uu gaadhay magaalada Kismaayo waxa uu shaaca ka qaaday inaan waxba lala wadaagi Karin dawlada federaalka ah isaga oo soo bandhigay qodobada diirada lagu saarayey shirkaasi.


Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa ka soo horjeedsaday qaabka loo wado arimaha dastuurka, isaga oo tilmaamay inaanay dan u ahayn dalka soomaaliya.


Ugu horayn madaxweyne Axmed Madoobe oo ka hadlaya shirkii Garoowe ee burburay ayaa waxa uu yidhi "Dowladda federaalka ahmiyad badan uma hayso arrinta doorashooyinka,iyada ayaa ka baxday heshiiskii Baydhabo ee qaybsiga khayraadka iyo heshiiskii laga gaaray arimaha doorashooyinka isla markana aanay jirin wax heshiis lagu yahay oo la xiriira doorashooyinka 2020ka lagu waday in ay dalka ka dhacaan." ayuu yidhi madaxweynaha Jubbaland.


Khilaafka Galmudug ayuu sheegay madaxweynahu in ay qayb ka ahayd wada-hadallada balse madaxda dowladda federaalku aysan diyaar u ahayn in xal waara laga gaaro,sida u sheegay.


Dhinaca kale, madaxweynaha Jubbaland wuxuu caddeeyay in aan hal maalin ah lagu daraynin doorashooyinka federaalka iyo kuwa dowlad-gobolleedyada isla markana wararka been abuurka ah ee la xiriira in Jubbaland iyo Galmudug ay doonayaan wakhti kororsi ay yihiin kuwa aanay waxba ka jirin oo shacabka lagu marin habaabinayo.

Loading...
Loading...