Guddoomiye Cirro oo Xukuumadda ku Eedeeyey inaanay ku Qanacsanayn Aqlabiyada Mucaaradka

0
Wednesday June 23, 2021 - 12:06:32 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1584
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiye Cirro oo Xukuumadda ku Eedeeyey inaanay ku Qanacsanayn Aqlabiyada Mucaaradka

    Guddoomiye Cirro oo Xukuumadda ku Eedeeyey inaanay ku Qanacsanayn Aqlabiyada Mucaaradka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiye Cirro oo Xukuumadda ku Eedeeyey inaanay ku Qanacsanayn Aqlabiyada Mucaaradka


Hargeisa(HWN):-Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa sheegay inaanay Xukuumadda Muuse Biixi ku qanacsanayn Aqlabiyadda Isbahaysiga mucaaridku haystaan.


Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro waxa uu Xukuumadda Muuse Biixi u soo jeeddiyay inay Iimaansaddaan wixii ay ka helleen Doorashooyinkii isku sidkannaa 31-kii May 2021-ka ka qabsoomay guud ahaan Somaliland.
Cabdiraxmaan Cirro updated their... - Cabdiraxmaan Cirro | Facebook

"Xukuumaddu 30-keeddii Xildhibaan 52 ayay ka dhigaysaa, 52-ka Xildhibaan ee mucaaridkanna 30 bay ka dhigaysaa" Siddaa ayuu yidhi Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI.

Guddoomiye Cirro ayaa ku andacoodday in loo baahan yahay in Xukuumaddu iimaansato qaybta ay ka helleen Doorashaddii. "Xukuumaddu waa inay iimaansataa aqlabiyaddu halka ay martay" Ayuu yidhi Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi

"Shacabku waxay u codeeyeen is badal, waxayna aqlabiyadoodi u codeeyeen 52 kaa Xildhibaan oo ka mid ah 82 Xildhibaan ee goluhu ka kooban yahayā€¯ Ayuu yidhi Guddoomiye Cirro.

Si kastaba ha ahaatee, Isbahaysiga mucaaridka ah ee WADDANI iyo UCID oo haysta aqlabiyadda Xildhibaannada golaha Wakiillada ayaa waxay deddaal ugu jiraan siddii ay ugu guulaysan lahaayeen Shirguddoonka golahaas.

Loading...
Loading...