Golaha Guurtida Oo Guddiyo U Saaray Xeerarka Furista Ururada, Liisamada Ganacsiga Iyo Shaqaalaha Dawlada

0
Wednesday June 23, 2021 - 10:06:58 in News by
  • Visits: 1820
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Golaha Guurtida Oo Guddiyo U Saaray Xeerarka Furista Ururada, Liisamada Ganacsiga Iyo Shaqaalaha Dawlada

    Golaha Guurtida Oo Guddiyo U Saaray Xeerarka Furista Ururada, Liisamada Ganacsiga Iyo Shaqaalaha Dawlada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Golaha Guurtida Oo Guddiyo U Saaray Xeerarka Furista Ururada, Liisamada Ganacsiga Iyo Shaqaalaha Dawlada

Hargeysa(HWN):-Xildhibaanada golaha Guurtida Somaliland, ayaa maanta Gudiyo u saaray xeerarka kala ah xeerka Liisamada Ganacsiga, Xeerka Furista Ururada Siyaasada iyo Xeerka Shaqaalaha Dawladda.



Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland


Xildhibaanada golaha Guurtida oo yeeshay fadhi uu shir guddoominaayay guddoomiyaha golahaasi Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa gudiyada kala duwan ee loo xulay ka soo tala bixinta xeerarkaasi ku wargeliyay in ay ku soo dhamaystiraan xeerarkaasi inta ka horaysa maalinta Axda ah ee todobaadka soo socda dibna ugu soo celiyaan golaha.


Sidoo kale, Xildhibaanad kala ah Maxamud Xareed Rooble iyo Xildhibaan Axmed Cali Aadan, oo ka mid ah mudanayaasha golaha Guurtida, ayaa ka hadlay shilalka gaadiidka iyo sidii wax looga qaban lahaa.


Xildhibaanada, ayaa sidoo kalena ka hadlay Gaadiidka Tigaha loo yaqaano ee ka shaqeeya magaalooyinka Burco iyo Boorama kuwaasi oo ay sheegeen in ay khasaare dhanka shilalka ah ku hayaan magaalooyinkaasi.


Xildhibaanada, ayaa sidoo kalena sheegay in qaar ka mid ah gaadiidka yaryar ee loo yaqaano Fitista ee ka dhex shaqeeya magaaladda Hargeysa qaar ka mid ahi ay ka qayb qaataan arrimo aan ku fiicnayan dhaqanka suuban loona baahanayahay in wax laga qabto.


Loading...
Loading...