Waxaan Ka Ahay Agtiinna
W.Q: Faadumo Buuni
Waxan ahay aabbe, ubadkiinna idinla koriya. Waxaan ahay aabbe ka qayb qaata nolol maalmeedkiinna dhinac kasta. Waxaan ahay aabbe reero badan dhex ku noolyihiin. Oogadayda sare, boggayga iyo beerkaygaba reero badan baan ka quudiyaa oo ii soo qadhaabsi taga. Ma garanayo sidaad u noolaan lahaydeen haddaan jirin oonan idinla joogin anigu!
W.Q: Faadumo Buuni
Hargeysa, Somaliland
[email protected]
Waxan ahay aabbe, ubadkiinna idinla koriya. Waxaan ahay aabbe ka qayb qaata nolol maalmeedkiinna dhinac kasta. Waxaan ahay aabbe reero badan dhex ku noolyihiin. Oogadayda sare, boggayga iyo beerkaygaba reero badan baan ka quudiyaa oo ii soo qadhaabsi taga. Ma garanayo sidaad u noolaan lahaydeen haddaan jirin oonan idinla joogin anigu!
Sannadkii marbaad iga sheekaysaan ood tidhaahdaan, "Tol iyo qaraabo haddaynu nahay aabbahan aynnu ilaashanno ilayn inagaa ku noole”.
Waxaad disheen ubadkaygii ood nolosha ku gubteen, waxaad nolosha ku gubteen jaarkii ila noolaa oo dhan waayo? Anigay awgay ayay u noolaayeen.
Waxan idin siiyaa jacayl badan oon danaynsi ku dhisnayn, idinna nacayb iyo niyad xumaan baan idinkala kulmaa. Si kastoon qoyl Nebi iyo qormooyinkayga la idiinka sheekeeyo, waxba dhag jalaq uma siisaan.
Waxaan idin siiyaa dhaqaale, iyo waxkastoo wanaagsanood dheefsataan idinna dhabarkaad iga jabisaan, dhagarna waad iga gashaan. Idinka mooyee dadka kale way isku kay laayaan, siday ii daryeeli lahaayeen ee ay dugsi i siin lahaayeen.
Waad iskugu kay tagtaan. Laf kastoon qaadana waad i jabisaan. Dhiigayga dhulkaad ku qubtaan. Badhkiinbaana ku qubaysta. Halbowlaayaasha dhiigga qaada iyo halkay naftaydu ka dhawdahayna waad i jartaan. Jiidhkayga iyo seedahayga na waad isku soshaan. Sidaas iguma daysaane, qalfoofkaygaad sii gubtaan si aan tirtirmo. Nacaybka aad ii qabtaan fogaa! Inkastoon hore idiinku idhi,” Haddaan iskay u dhinto dhibi kuma jirto wixii dheef eed iga helaysaan”. Maxayse ku taalaa aniga oo nool ayaad ifka igu gubtaan. Ma wada xumidin. Balse qaarkiinbaa ka xun kuwa sii xun. Kuwaasina aadbaan u necbahay. Waayo? Nololba iima ogola.
Aniga oo keliya ma necbi ee hooyaday, aabbahay, ooridayda, jaarkayga, kuwa ila nool ee igu sii dhex nool, iyo qabiilkayga oo dhaniba aadbay u necebyihiin.
Guntii iyo gebogabadii, waxan idinka codsanayaa tol iyo qaraabo haddaad tihiin, inta na jeceleey inaad u sheegtaan inta na neceb inay na daayaan aniga iyo intaan ka koobannahay oo dhan. Hadday se’ nolosha ii ogolaan wayaan idinka iyo iyaguba ogaada in aydaan noolaan doonin. Maxaad se’ nolol ii ogolaataan keliya agtiinna waxaan ka ahay "Geed”.
W.Q: Faadumo Buuni
Hargeysa, Somaliland
[email protected]
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...