Xukuumada Somaliland Oo Shaacisay In Sucuudigu Joojiyey Xoolihii Ka Dhoofi Lahaa Dekeda Berbera

0
Wednesday June 23, 2021 - 09:58:52 in News by
  • Visits: 1574
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumada Somaliland Oo Shaacisay In Sucuudigu Joojiyey Xoolihii Ka Dhoofi Lahaa Dekeda Berbera

    Xukuumada Somaliland Oo Shaacisay In Sucuudigu Joojiyey Xoolihii Ka Dhoofi Lahaa Dekeda Berbera

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xukuumada Somaliland Oo Shaacisay In Sucuudigu Joojiyey Xoolihii Ka Dhoofi Lahaa Dekeda Berbera


Hargeyswa(HWN):-Xukuumada somaliland ayaa ka hadashay xayiraad Sucuudigu saaray xoolihii wakhtiga xajka u dhoofi lahaa dalkaasi.

Markaan Mucaaradka Ahaa Waxa Dareenkayga Ku Jirtay Dawladdaa Ka Dambaysa (Colaaddii Ceel Af-Weyn), Laakiin…” Wasiir Siciid Sulub - Geeska Afrika Newspaper


Wasiirka xanaanada xoolaha somaliland Siciid Sulub Maxamed oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in la joojiyey xoolihii dekeda Berbera ka dhoofi lahaa ee Sucuudigu iibsan jiray,waxaanu yidhi "Wakhtiga Xajka waxa dhici jirtay in xoolo fara badan laga qaato somaliland oo ay ka baxaan dekeda Berbera balse sanadkan xanuunka Covid-19 ayaa saameeyey xujaajtii, wadanka Sucuudigu waxa uu go’aansaday inaanay xujaaji uga iman wadamada dibada, waxoogaa gudaha ah ayaa xajaya iyaga oo caafimaadkooda ka taxadaray, xoolaha Ciidal Adxada ee aynu dhoofin jirnay wakhtiga xajka waxa loo qali jiray xujaajta oo iibsan jirtay, baanka aduunkuna lacagta bixin jiray sida aanu warka ku hayno.”


Wasiir Siciid Sulub oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey "Sucuudigu gabi ahaanba xoolihii dibada uga imanayey oo aan ku koobnayn somaliland ayuu joojiyey iyaga oo ka taxadiraya caafimaadkooda, caafimaadka xoolahana looma joojine, caafimaadka dadka ayaa loo joojiyey, maadaama oo aan dadkii loo fasixin xajka, xoolaha Odxaduna xujaajta ayey ku xidhnayd.”


Sidoo kale waxa uu sheegay in xadi yar oo xoolo ah uu Sucuudigu qaadanayo, isaga oo soo bandhigay inta ka dhoofi karta dekeda Berbera somaliland waxaanu yidhi "Sanadkan waxyar oo aan qiime lahayn oo aan ka badnayn 40,000 afartan kun ayaa laga qaadayaa dekedeena, guud ahaana yurub, Aasiya iyo Afrikaba waxa laga aqbalay tiro aan gaadhayn 100,000 oo neef, kala badhna in laga diro dekeda Berbera ayaa suurtagal ah, xaalada dhoofka xooluhuna sidaas ayey noqonaysaa sanadkan.”


Loading...
Loading...