"Abdikarim Ahmed Mooge SHAN IYO TOBAN TALO AAN LA WADAAGO."
			W/Q: Cabdinaasir Axmed Abraham.                        
 
	   
  
			  
	
            
			
			 
		
		
 
		
		
		
 
		
		
 
		
		
 
		
 
		
		
 
		
		
		
 
		
		
 
		
 
		
		
 
		
		
		
 
		
		
 
		
 
		
		
		
 
		
 
		
    
        
    
    
                   ... in aad tahay rajadii dhallinta iyo rajadii shacabka ee aan inta 
badan ka dhur sugaynay ayaa igu dirqiyaysa in aan ka fakero sidii aad 
hoggaaminta DHH ugu guulaysan lahayd. Waxa aan u arkaa haddii aad 
fadhilanto in dhallinyarta oo dhan fashilkaasi gaadhayo, sidaas na 
kalsoonidii iyo rajadii shacabku god ugu dhacayso anna sawirkaas weyn 
aniga oo dhawraya ayaan talooyin kan iyo kuwa kale oo saaxiibnimo oo aan
 hoos kuu odhan doono ba igu dhaliyay. Lix sanno ayaan DHH wax ka 
qorayay sababtuna in aan Soltelco necbaa maaha e waa in aan garanayay 
hay'adda Dawladda Hoose Ee Hargeysi doorka ay noloshayda ku leedahay. Si
 kasta ba ha ahaatee, qodob badan baan dan mooday in aan kula wadaago. 
		
 1.   Haki dhismeyaasha iyo galalka dhulka ee socda dhammaantood si 
aad fakaag ugu hesho samaynta qorsheyaasha dib u karaarinta shaqada 
cusub.
 2.   Haddii aad ka dhawrsato xoolaha ummadda waxa kuu fududaan 
hoggaaminta iyo jahaynta xildhibaannada. Sida oo kale dad weynaha ayaa 
fursad ay kugu soo gaadhaan kuu heli doona.
 3.   Xilku waa awood iyo dhaqaale kulmay waana bartaas halka rag 
badan oo markii hore wanaagsanaa ay ku turunturoodeen adna waxa aan 
kaaga digayaa in aad ka foojignaato. 
		
 4.   Warbaa laga shaqeeyaa DHH waxaana jooga shakhsiyaad xumaha ku 
takhakhusay oo darsay sida madaxda loo marin-habaabiyo iyagana ka 
taxadir. 
		
 5.   Shaqaalaha dawladda hoose inta aanad culays shaqo ku soo 
kordhin horta waxa aad sare u qaaddaa mushaharkooda iyo 
niyad-samaantooda. Intaas kaddib ayay kuu suurto-geli kartaa in aad la 
xisaabtanto, tusaale; Joomitirku celcelis ahaan wuxuu qaataa 50$ waxaanu
 ka garnaqaa dhul qimahiisu gaadhayo Malyuun doolar sideen qofkaas uga 
sugi karnaa shaqo wanaagsan iyo caddaalad?
 6.   Shirkadaha xashiishka gacanta dawladda hoose ku soo celi, 
waxay la wareegeen adeeg ka mid ah kuwii dawladda hoose shacabka u qaban
 lahayn, xashiishka waxa ay ka qaadaan Hargeysa isla Hargeysana way ku 
qubaan.
 7.   Raadso dadka aqoonta u leh basrinta khashinka caafimaadka 
"Medical west management” xilli aan daba-gal ku sameeyay raadka 
khashinka caasimadda ayaan ogaaday halista caafimaad ee khashinkaas 
dadka ku haya. Dhakhtarrada Hargeysa Adna oo keliya ayaa leh hannaan 
gaar oo khashinkaas loo maamulo xataa dhakhtarka weyn ee Hargeysi ma 
leh. 
		
 8.   Karasharka iyo agabka DHH suuqa ayaa lagaga shaqaystaa iyana 
waxaan ku soo jeedin lahaa in aad GPS ku xidho nidaam na u samayso si 
aad ula socoto dhaqdhaqaaqooda. 
		
 9.   Diwaan-geli tirada guryaha DHH leedahay ee kiraysan, lacagta 
ay ku kiraysan yihiinna dib u eegis ku samee oo go’aan ka gaadh, 
sababtuna waa in qaar faras magalaha ku yaal 40$ ku kiraysan yihiin.
 10. Dawladda Hoose xafiis xogta luugu yimaad oo gaar ah ma leh” Data 
center” waxaanan u arkaa bar bilawga dardar-gelinta shaqada.
 11. Waxa ayaan-badnaan ah in xildhibaannada golahaaga rag badan oo 
nadiif ah, karti leh oo hawl-kar ahi ku jiraan fadlan uga faa’iidayso 
mid kastaa wuxuu ku wanaagsan yahay. 
		
 12. Hadalkaagu ha yaraado, wacyi-gelinta hay’adda dawladda hoose na yay kala go’in. 
		
 13. Hargeysi waxay leedahay odayaal guurti ah oo raggii kursiga aad 
ku fadhido soo maray dhammaantooda talo u doonteen, dhismaha magaaladana
 wax weyn kala qabtay, kuwaas oo aan ka xusi karo Xaaji. Aadan Axmed 
Diiriye " Aadan-baradho” waxa aan kuu soo jeedin lahaa in u talo 
doonato.
 14. Shirkadda gaar ah ee dhulka GIS gelisaa waxay gacanta ku haysaa 
adeeg hay’adeed sharcina kuma dhisna heshiiskeeduna xalaal maaha, 
qiimaha ay dadka ka qaadaanna waa mid aad iyo aad u sarreeya oo damiirka
 nooli diidayo fadlan gacanta DHH ku soo celi. 
		
 15. Shaqada degmooyinka u dhaadhici si xarunta dhexe culaysku uga yaraado.
 FG: Rabbi waxa aan ka baryayaa in golaha deegaanka ee Cusub guulaysto 
oo ummadda si wanaagsan ugu adeego. Si ay u dhawaato Rajada ah in 
hoggaaminta dalka dhawaan dhallinyaro la wareegto.
      AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
        Loading...    
        
    
        Loading...    
        
    

 
         
                     0
                0            
 
    						





