Raysal Wasaaraha Soomaaliya Oo Shir Iskugu Yeedhay Madaxweyneyaasha Maamul Goboleedyada

0
Wednesday June 23, 2021 - 09:36:07 in News by
  • Visits: 1237
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Raysal Wasaaraha Soomaaliya Oo Shir Iskugu Yeedhay Madaxweyneyaasha Maamul Goboleedyada

    Raysal Wasaaraha Soomaaliya Oo Shir Iskugu Yeedhay Madaxweyneyaasha Maamul Goboleedyada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Raysal Wasaaraha Soomaaliya Oo Shir Iskugu Yeedhay Madaxweyneyaasha Maamul Goboleedyada


Ra’iisul Wasaaraha xukumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku casuumay madaxda Golaha Wadatashiga Qaran shir Sabtida ka dhacaya magaalada Muqdisho.



Raysal Wasaaraha ayaa sheegay in shirkaan la isaga xog wareysandoono waxyaabihii ka qabsoomay arrimaha doorashooyinka tan iyo heshiiskii 27-kii May iyo dardar gelinta shaqooyinka harsan.

Qabashada shirkan ayaa ku yimid kulan qadka foggaan araga ku dhexmaray Ra’iisul Wasaare Rooble, Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, waana wada hadalkii ugu horeeyay ay masuuliyiintu yeeshaan tan iyo heshiiskii doorashada ee 27 May.

Shirka Muqdisho lagu qabandoono ayaa kusoo beegmaya xilli jadwalkii doorasho ee lagu heshiiyay uu ka harsan yahay muddo bil iyo todobo cishe.

Tallaabooyinka ugu muhiimsan ee horay loo qaaday waxaa kamid ah in isbedel lagu sameeyay guddiyadii doorashooyinka ee cabashadu ka taagnayd iyo dhismaha guddiga amniga doorashada oo raysal wasaaruhu hormuud u yahay.

Marka la eego shaqooyinka harsan iyo waqtiga la haysto oo aad u yar, waxaa hubanti la'aan ah in doorashada waqtigeeda dib uga dhicidoonto.

Loading...
Loading...