A Y A X A W/Q: Dr.Ibraahin dhuxul.

0
Wednesday June 23, 2021 - 08:59:38 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 699
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    A Y A X A W/Q: Dr.Ibraahin dhuxul.

    Cimriga ayaxu waxa uu gaadhaa 2-4 bilood, culayskiisuna 2 garaam,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cimriga ayaxu waxa uu gaadhaa 2-4 bilood, culayskiisuna 2 garaam,


 


Ayaxu waxa uu ka mid yahay boqortooyada xayawaanka (Animalia), bahda bilaa lafdhabarleyda ah (Arthropoda), gaar ahaan bahweynta cayayaanka leh lixda lugood (insect). qoyska hoose ee jirriqaaga (Acrididae), kuwaas oo leh lugo xooggan oo ay ku boodi karaan. Bahda cilmiga Saynisku waxay ugu yeedhaan (Schistocerca gregaria). Asal ahaan wuxuu kasoo jeedaa qaaradaha Afrika, Aasiya iyo bariga dhexe. Luuqadda ingiriisida waxaa loogu yeedhaa (Locust). Carabidana (الجراد). Afka soomaaligana Ayax, guud ahaan ayaxa waxaa loo qaybiyaa afar nooc, kan ugu badan ee ku nool dalalka khaliijka, hindiya iyo bariga afrika waxaa looyaqaannaa ayaxa saxaraha.

Cimriga ayaxu waxa uu gaadhaa 2-4 bilood, culayskiisuna 2 garaam, dhererka ayaxuna waa 35 ilaa 50 milimitir, marka keli ah waxa uu dhalaa 80 ilaa 100 ukumood, kuwaas oo ku dillaaca laba todobaad gudahood. Ayaxa jidhkiisa waxaa loo qaybiyaa saddex qaybood madax, laab iyo uurku jir, badanaa waxaa uu wax quutaa maalintii (Diurnal), sidoo kale ayaxu waxa uu maraa saddex meerto nololeed kuwaas oo kala ah, Marka ugu horaysa waa beed, markuu dillaacana waa korrankor ama se caydi, marka saddexaadna wuu duullaa oo waxuu noqdaa qaangaadh. Ayaxu waxba maqaniino balse wuxuu sii daayaa dheecaan marka la qabto. Ayaxu waxa uu kamid yahay xayawaannada leh dhiigga qabow (Cold blooded) isagoo kunool badanaa meelaha uu heerkulkoodu sarreeyo. Sidoo kale wuxuu ka mid yahay cayayaanada dheereeya kaas oo saacadii jari kara 15 ilaa 20 kiiloomitir, isagoo ku duullaaya joog hoose iyo mid dhexdhexaad ah.

Ugu danbayntii Ayaxu waa xalaal, oo waa la cuni karaa waana xayawaannada gawracan sida kalluunka oo kale, kaas oo cunidiisa laga helo faa'iidooyin caafimaad oo fara badan. Sidoo kale wuxuu leeyahay khasaare fara badan kaas oo saameeya dadka iyo duunyadaba, waxaana uu ka mid yahay masiibooyinkii reer bani israaiil uu alle ku imtixaanay, sida uu rabbi qur'aanka innoogu sheegay. Ayaxu waxa uu isaga gudbi karaa qaaradaha kala duwan ee dunida isagoo gala safaro aad u dhaadheer, habka keli ah lagu xakamayn karo ayaxu waa in buufiyo ama lagu rusheeyo dawooyinka dilla cayayaanka.



Mayeedhaan Magazine.

[email protected].

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...