Hadal heyn ka dhalatay sawirada Madaxweyne Farmajo oo lagu xardhay wadooyinka Muqdisho iyo ujeedka oo la ogaaday

0
Wednesday June 23, 2021 - 08:44:26 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1764
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hadal heyn ka dhalatay sawirada Madaxweyne Farmajo oo lagu xardhay wadooyinka Muqdisho iyo ujeedka oo la ogaaday

    Arrintan ayaa dood kulul ka dhex dhalisay baraha bulshada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Arrintan ayaa dood kulul ka dhex dhalisay baraha bulshada




Waxaa magaalada Muqdisho ka socda diyaar-garowga toddobaadka xorriyadda Soomaaliya ee 26 June iyo 1-da Luulyo oo ay wadaan Maamulka gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar .

Waxaa qaar kamid ah Waddooyinka waaweyn ee caasimadda Muqdisho ka socda howlo bilicda lagu soo celinayo kuwaasoo iskugu jira Nadaafad iyo rinjiyeyn. waxaana goobaha ganacsiga lagu xiray calanka Somalia.

 

Qaar kamid ah Masuuliyiinta Gobalka Banaadir ayaa kormeer ku soo sameeyay waddooyinka ay ka socdaan Howlaha Bilic soo celinta iyo diyaar-garowga Maalmaha Xorriyadda, iyagoo ku dhiirageliyay kuna amaanay Howlwadeennada shaqada adag oo ay hayaan.

Hase ahaatee waxaa dad badan ka yaabiyey boorar loogu talo galay munaasabadaha maalmaha xoriyada oo lagu soo sawiray Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday ee Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Arrintan ayaa dood kulul ka dhex dhalisay baraha bulshada, iyadoo dadku ay siyaabo kala duwan uga falceliyeen, waxaana dadka intiisa badan ay isweydiinayeen waxa iska quseeya dabaaldega maalmaha xoriyada iyo sawirka Farmaajo, waxayna ku doodeen in booska sawirka Madaxweynaha loo baahnaa in la geliyo astaamo ka turjumaya maalmaha xoriyada sida calanka iwm "Ma xoriyad baa loo dabaal degayaa mise shaqsi” ayuu yiri mid ka mid ah dadka arrintan kaga hadlay baraha bulshada.

Dad kale, ayaa iyana arrintan ku macneeyey in dowladu ay kala garan weysay Ololaha doorashada & Maalmaha xoriyada, maadaama ay socoto qaban-qaabada doorashooyinka dalka, iyagoo talaabadan ku tilmaamay wax aad loola yaabo.


Loading...
Loading...