Cali Guray Oo Sheegay Inay Tahay Markii Ugu Horraysay Ee Faysal Iyo Cabdinaasir Tolo Ku Kala Leexdaan

0
Wednesday June 23, 2021 - 01:15:58 in News by A. Asbaro
  • Visits: 2697
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Cali Guray Oo Sheegay Inay Tahay Markii Ugu Horraysay Ee Faysal Iyo Cabdinaasir Tolo Ku Kala Leexdaan

    Cali Guray Oo Sheegay Inay Tahay Markii Ugu Horraysay Ee Faysal Iyo Cabdinaasir Tolo Ku Kala Leexdaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cali Guray Oo Sheegay Inay Tahay Markii Ugu Horraysay Ee Faysal Iyo Cabdinaasir Tolo Ku Kala Leexdaan


Hargeisa(HWN):-Siyaasi Cali Yuusuf Maxamed (Cali Guray), oo ka mida Siyaasiyiinta waa wayn ee reer Somaliland ayaa ka hadlay khilaaf siyaasaddeed oo ka dhex qarxay Xisbiga UCID dhexdiisa.



Siyaasi Cali Guray waxa uu sheegay in Xildhibaan Cabdinaasir Qodax uu xaq u leeyahay inuu u tartamo Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee golaha Wakiillada Somaliland, balse waxa uu tilmaamay in heshiiskaas Xisbiyadda mucaaridka ahi wada galeen uu Caqbad ku noqon karro doonista Xildhibaan Cabdinaasir Qodax.

Waxa kale, oo Siyaasiga Cali Guray uu sheegay inay tahay markii ugu horraysay ee Xildhibaan Cabdinaasir Qodax iyo Guddoomiye Faysal Cali Waraabe ay kala baydhaan.
Siyaasi Cali Gurey Oo Ka Mid Ah Xisbiga Kulmiye Oo Ka Deyriyey Mustaqbalka Siyaasaddeed Ee Garabkii Xisbiga New Ucid Ee La Midoobey Xisbigaasi Kulmiye. | Qorilugud News 24

"Muddo 20 Sanadood ka badan Cabdinaasir oo Xildhibaannada UCID ee Gobolka Maroodijeex ka mid ahi wuxu ahaan jiray gacanta midig ee Guddoomiye Faysal. Saddex goor oo Faysal uu u tartamay Madaxwayne oo sadexdaba uu dhacay Cabdinaasir marna kamuu baydhin Faysal.

Xildhibaan Cabdinaasir oo Hankiisu yahay inuu u ordo Guddoomiye xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada, qof ahaan iyo aqoon ahaanna u bisil una qalma jagadaasi waxa laga yaabaa in caqabadda ugu wayn uu ku noqdo Heshiiska labada Xisbi ee mucaaridku.

Shirguddoonka codka lagu dooranayaa maaha sidii Dawladaha Hoose cod haldheeri ah ee wuxu noqonayaa cod badnaanshe-buuxa ah(absolute majority) oo ah kala badh tirada guud ee Xildhibaannada Golaha iyo hal cod oo noqonaya (42cod).

Xoggo u dhuun-daloola isbahaysiga mucaaridka ayaa tibaaxaya in Guddoomiyaha loo wado Xildhibaan Cabdirazaaq Khaliif oo WADDANI ah, halka labada ku xigeenna la siinaayo UCID, balse heshiiska labada xisbi yahay in ay kala noqdaan Xildhibaan Cumar Jaamac iyo Xildhibaan Cali Xaamud oo ka soo kala jeeda gobollada Sanaag iyo Awdal.

Hadii ay sidaasi run tahay Xildhibaan Cabdinaasir iyo Guddoomiyaha xisbigiisu waxa muuqata in aanay wada socon ee ay kala socdaan, taasoo noqonaysa markii ugu horeysay ee ay labadoodu talo ku kala baydhaan.

Si kastaba xaalku ha ahaado eh Xildhibaan Cabdinaasir Heshiiska labada Xisbi kuma qasbi karo in uu ka hadho tartanka ee sharci ahaan isaga ayaa xaq u leh inuu tartamo iyo inuu tanaasulo labadaba.

Loading...
Loading...