Somaliland:-Dhoofka Xoolaha Iyo Saamaynta uu keenay Cudur Noociisu Ku Cusub Yahay Dalka

0
Wednesday June 23, 2021 - 01:10:39 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1004
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliland:-Dhoofka Xoolaha Iyo Saamaynta uu keenay Cudur Noociisu Ku Cusub Yahay Dalka

    Xaaladda Dhoofka Xoolaha Somaliland iyo Saamaynta uu keenay Cudurka Noociisu ku Cusub yahay dalka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xaaladda Dhoofka Xoolaha Somaliland iyo Saamaynta uu keenay Cudurka Noociisu ku Cusub yahay dalka


Hargeisa(HWN):-Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga Somaliland Siciid Sulub Maxamed iyo masuuliyiiin ka tirsan wasaraadda ayaa ka warbixiyey xaaladda dhoofka xoolaha ee Somaliland.
Wasiir Siciid Sulub oo Xisbiyada Siyaasada Somaliland ku eedeeyay in ay bulshada Qabaa'il u kala saarayaan | Aftahan News


Masuuliyiinta u sarreysa Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Somaliland oo maanta shir-jaraa’id ku qabtay xafiiskooda, waxa ay ka warbixiyeen cudur noociisu ku cusub yahay dalka oo ka mid ah xannuunnada ku dhaca Geella oo muddooyinkii u dambeeyey lagu arkay deegaagmo ka tirsan gobollada Somalilad.

Dr Cabdiqani Xaamud Cawaale oo ka mid ah dhakhaatiirta Caafimaadka ee Wasaaradda, ayaa ugu horeyn ka warbixiyey Xannuun lagu Magacaabo GUUX oo dalka ku cusub Kaas oo dhawaan ku dhacay xoolaha gaar ahaana Geella, waxaanu sheegay in xanuunkaasi uu ka soo talaabay dhanka Xuduudda Itoobiya, wasaarad ahaanna ay ka hawl-galeen kana daweeyeen xoolahuu uu ku dhacay, xilliganna ay dadaal ugu jiraan sidii loo dabar jari lahaa.

Wasiirka Xanaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga Somaliland Siciid Sulub Maxamed ayaa sheegay in caafimaadka guud ee Xooluhu uu fiican yahay marka laga reebo Xanuuna Guuxa lagu magacaabo oo hadda laga Daaweeyay Geela. Siddoo kale Xoolaheennu waxay haystaan Baad iyo Biyo ku filan.

Waxa uu wasiirku intaa ku daray Sucuudigu uu iska joojiyay guud ahaan Xoolihii uga imanaayay dalalka adduunka oo ay ku jirto Somaliland, iyagoo ka taxadaraya caafimaadkooda, maaddama uu jiro Xanuunka Coronavirus, kaasoo sababay in Sucuudigu joojiyo Xujeydii ka imanaysay daafaha adduunka.

Loading...
Loading...