Biddayaasha iyo dawladnimada.....W/Q Ibraahin-Hawd Yuusuf

0
Tuesday June 22, 2021 - 21:27:58 in Articles by
  • Visits: 1382
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 2
  • Share via Social Media

    Biddayaasha iyo dawladnimada.....W/Q Ibraahin-Hawd Yuusuf

    Biddayaasha iyo dawladnimada.....W/Q Ibraahin-Hawd Yuusuf

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Biddayaasha iyo dawladnimada.....W/Q Ibraahin-Hawd Yuusuf

Biddayaashu wax ay ku tasbiixsanayaan: Muuse wuu ku ammaanan yahay oo abaal baannu u gu haynnaa in uu qabtay doorashadii wakiillada iyo tii degaannada. Su'aal: Doorasho in la qabtaa ma waajib dastuuri ah oo in la qabtaa qasab tahay in la qaban waayaana dembi tahay baa mise waa ixsaan iyo abaal la idiin galay?


Biddayaashu wax ay kale oo ku tasbiixsanayaan: Muuse waa halyey mar haddii uu noo qabtay laba doorasho oo isa saaran. Su'aal: Laba ma aha ee xitaa in saddexda doorashaba shantii sannadoodba mar la wada qabto iyo in midba mar la qabto sidee dadweynaha iyo maamulkaba u hawl iyo kharash yar?

Biddayaashu wax ay kale oo ku tasbiixsanayaan, Qamuunyo qudhiisuna ku faanay: Madaxweynuhu waa halyey abaal innagu leh waayo doorashada ma uu boobin sidii doorashadii hore loo boobay. Su'aal: Ma waxaa asalka ah in sharciga la gu dhaqmo oo xorriyadda iyo codka muwaaddinka la ilaaliyo, mise in sidii la doono loo gu xadgudbo sidii dhacday 2017?

Biddayaashu wax ay kale oo muran galinayaan Qamuunyo in uu is ku dayayo in uu laaluusho xildhibaannada mucaaradka kuwooda saqajaan noqon kara. Su'aal: Haddii aad tahay muwaaddin xalaal ah, adiga oo ogaa sidii Golaha loo laaluushi jiray dabadeed waxii la doono loo marsan jiray, sow waajib ku gu ma aha dhaqan xumadaa in aad isha ku hayso tuhunka soo baxana runnimadiisa ogaato si cudurkaa loo ga baxo?

Biddayaashu wax ay kale oo lee yihiin, madaxweynuhu xisbiyada ha furo si uu u ga aarsado mucaaradka ka cod badiyay budhcaddiisa qabyaaladeed. Su'aal: Xisbiyada furistooda iyo furis la'aanteedu ma arrin dastuuri iyo sharci ku xidhan baa mise waa dookha iyo doonista horjoogahaaga?
May be a closeup of one or more people

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...