"30 Xildhibaan Shirgudoon Ma Gooyaan, Xukuumaduna Yaanay Carqaladayn Geedisocodka...."Hogaamiye Xirsi

0
Tuesday June 22, 2021 - 19:32:52 in News by
  • Visits: 1366
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "30 Xildhibaan Shirgudoon Ma Gooyaan, Xukuumaduna Yaanay Carqaladayn Geedisocodka...."Hogaamiye Xirsi

    "30 Xildhibaan Shirgudoon Ma Gooyaan, Xukuumaduna Yaanay Carqaladayn Geedisocodka...."Hogaamiye Xirsi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"30 Xildhibaan Shirgudoon Ma Gooyaan, Xukuumaduna Yaanay Carqaladayn Geedisocodka...."Hogaamiye Xirsi

Hargeysa(HWN):-hogaamiyaha xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa xukuumada uga digay inay carqalad ku furto habsami u socodka qorshaha mucaaridku ku dooranayo shirgudoonka golaha wakiilada.
May be an image of 2 people, people sitting and suit


hogaamiye Xirsi oo dawlada u digaya ayaa waxa uu yidhi "Xukuumadda waxaan leeyahay 30 shirgudoon ma soo saaro, mucaaradkana kala aragti ayaad tihiin, saxna ma aha in aad geedisocodka carqaladaysaan" Xirsi Cali Xaaji xasan.

Hoggaamiyaha Xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan, sidoo kale waxa uu bogaadiyey Xildhibaanno Isbahaysigu Mucaaradku isku raaceen in ay noqdaan Shirguddoonka cusub ee Golaha Wakiillada.

Hoggaamiye Xirsi, ayaa mar kale  yidhi "Hambalyo iyo ducaba waxaan u dirayaa shirgudoonka labada xisbi mucaarad isku raaceen, Xildhibaanada labada Xisbi mucaaradna waxaan u soo jeedinayaa in ay ka dhabeeyaan isbedelkii bulshadu codka ku siisay oo isu kaashadaan meelmarinta shirgudoonka cusub.

hogaamiye Xirsi waxa kale oo uu xukuumada dareensiiyey in tirada xildhibaanada ee xisbiga Kulmiye haystaa aanay goyn karin shirgudoonka golaha wakiilada "xukuumadda waxaan leeyahay 30 shirgudoon ma soo saaro, mucaaradkana kala aragti ayaad tihiin, saxna ma aha in aad geedisocodka carqaladaysaan, qaranimada dhawra oo hanneeya oo aqbala in la idinka badiyay.Bulshooy guudka ka jira oo ilaaliya Guusha Somaliland.

Loading...
Loading...