Xisbiyadda WADDANI iyo UCID oo soo bandhigay Murashaxiinta Shirguddoonka Golaha Wakiillada

0
Tuesday June 22, 2021 - 17:29:25 in News by A. Asbaro
  • Visits: 2128
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xisbiyadda WADDANI iyo UCID oo soo bandhigay Murashaxiinta Shirguddoonka Golaha Wakiillada

    Xisbiyadda WADDANI iyo UCID oo soo bandhigay Murashaxiinta Shirguddoonka Golaha Wakiillada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xisbiyadda WADDANI iyo UCID oo soo bandhigay Murashaxiinta Shirguddoonka Golaha Wakiillada


Hargeisa(HWN):-Xisbiyadda mucaaridka ah ee WADDANI iyo UCID ayaa kulan ay isugu yimaaddeen waxa ay ku shaaciyeen Murashaxiinta rasmiga ah ee u tartamaaya Shirguddoonka golaha Wakiillada Somaliland.



Isbahaysiga mucaaridku waxa ay sheegeen inay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada u soo sharaxeen Xildhibaan Cabdirisaaq Khaliif Ahmed oo ka soo baxay Xisbiga ugu wayn mucaaridka ee WADDANI, isla markaanna ka soo jeedda magaalada Laascaannood ee xarunta gobolka SOOL.

Sidoo kale, Isbahaysiga Xisbiyadda mucaaridka ahi waxa ay Guddoomiye ku-xigeenka golaha Wakiillada u soo sharaxeen Xildhibaan Cumar Jaamac Faarax oo ka mid ahaan jirey Siyaasiyiintii Xisbigii burburay ee UDUB.

Xisbiyadda mucaaridka ah ee WADDANI iyo UCID ayaa hore ugu guulaystay inta badan Maayirrada iyo Ku-xigeennada magaallooyinka waa wayn ee dalka, waxaannay hadda u xusul-duubban yihiin inay Xukuumadda iyo Xisbigeedda KULMIYE ka halabsaddaan Shirguddoonka golaha Wakiillada Somaliland.

Xisbiga taladda haya ee KULMIYE ayaase dhankoodda loollan adag ugu jira Afhayeenka golaha Wakiillada oo ay u soo sharaxeen Xildhibaan Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon oo hore u ahaa Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland.

Si kastaba ha ahaatee, waxa ilaa hadda la Saaddaalinayaa in Xisbiyadda mucaaridka ah ee WADDANI iyo UCID ay ku guulaysan doonnaan Shirguddoonka Golaha Wakiillada Somaliland, maaddaama oo ay Isbahaysigu haystaan 52 Xildhibaan oo ka mida 82-ka Xildhibaan ee golahaasi ka kooban yahay.

Loading...
Loading...