Xildhibaan Cumar Jaamac Oo Weerar Siyaasaddeed Ku Qaadday Xukuumadda Iyo Xisbigeedda KULMIYE

0
Tuesday June 22, 2021 - 16:56:06 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1937
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaan Cumar Jaamac Oo Weerar Siyaasaddeed Ku Qaadday Xukuumadda Iyo Xisbigeedda KULMIYE

    Xildhibaan Cumar Jaamac Oo Weerar Siyaasaddeed Ku Qaadday Xukuumadda Iyo Xisbigeedda KULMIYE

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaan Cumar Jaamac Oo Weerar Siyaasaddeed Ku Qaadday Xukuumadda Iyo Xisbigeedda KULMIYE


Hargeisa(HWN):-Xildhibaan Cumar Jaamac Faarax oo ka mida Xildhibaannada Golaha Wakiillada ee dhawaan la soo doortay, ayaa sheegay inay guul ka gaadhi doonnaan Loollanka loogu jiro Shirguddoonka Wakiillada Somaliland.
Taagerayaasha Musharax Xildhibaan Cumar Jaamac Faarax - Home | Facebook


Xildhibaan Cumar Jaamac Faarax waxa uu tilmaamay in Xisbiga KULMIYE iyo Xisbiga UCID oo sannadkii 2005-tii isbahaysi ahaa, ay berrigaas wada qaateen Shirguddoonkii golaha Wakiillada, isagoo xasuusiyay Xisbigaas KULMIYE in tanina ay la mid tahay oo maanta Isbahaysiga Xisbiyadda mucaaridku ay wada qaaddan doonnaan Shirguddoonka cusub ee golaha Wakiillada Somaliland.

"Maanta waa maalin taariikhiya oo i soo xasuusisay 2005-tii berrigii ay KULMIYE iyo UCID afduubeen Golihii Wakiillada oo ah golahan imika wakhtigooddu dhammaaday, markaa KULMIYE waxaan leeyahay maanta maalintiiyoo kale, weliba annagu (Isbahaysiga labadda Xisbi), waxaannu raacaynaa Nidaamka iyo Xeerarka dalka u yaalla, laakiin waatii aad ku qaadateen ayaannu rabnaa maanta inaanu ku qaadano si waafaqsan Sharciga.

Doorasho wanaagsan baa inoo dhacday, waanna guul ummadda Somaliland oo dhan u soo hooyatay, oo ay Shacabku darreenkoodda ku muujiyeen. Axsaabta waxa loo sameeyay inay Barnaamijyo kala duwan ku tartamaan, oo Xisbi weliba qorshihiisa la ahaaddo, markaa Xisbiga KULMIYE waxaan leeyahay waad haysataan Kaaddariyiin iyo rag isku filan ee dhexdiina ka baadha oo gacmaha ka daaya Midowga Xisbiyadda mucaaridka ah, oo ha caayinna ragga idin soo baxay ee Xisbinimo ku shaqeeya.

Maanta waxaannu tijaabinaynaa guushiinii, waxaannan leeyahay shacabka reer Somaliland nagu daba-gala oo Xildhibaankasta kula Xisaabtama inuu ku taagan yahay wixii aad u doorateen iyo inuu la baydhay, markaa waxaan leeyahay guushu way muuqataa oo gacmahayaga ayay ku jirtaa, waxaannan balan-qaaddaynaa inaanu Golaha Wakiillada isku waddi doono oo annagoo mid qudha ah aannu idin shaqayn doonno." Ayuu yidhi Xildhibaan Cumar Jaamac Faarax oo ka mida Mudaneyaasha golaha Wakiillada Somaliland.

Loading...
Loading...