Khilaaf Salka Ku Haya Kursi Ka Mid Ah Shirgudoonka Golaha Wakiilada Oo Ka Dhex Qarxay Xisbiga Ucid

0
Tuesday June 22, 2021 - 15:58:19 in News by
  • Visits: 2511
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Khilaaf Salka Ku Haya Kursi Ka Mid Ah Shirgudoonka Golaha Wakiilada Oo Ka Dhex Qarxay Xisbiga Ucid

    Khilaaf Salka Ku Haya Kursi Ka Mid Ah Shirgudoonka Golaha Wakiilada Oo Ka Dhex Qarxay Xisbiga Ucid

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khilaaf Salka Ku Haya Kursi Ka Mid Ah Shirgudoonka Golaha Wakiilada Oo Ka Dhex Qarxay Xisbiga Ucid

Hargeysa(HWN):-Musharixii xisbiga Ucid ugu tartamayey gudoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha wakiilada somaliland Cabdinaasir Yuusuf Qodax ayey warar soo baxay sheegayaan inuu khilaaf ka dhex qarxay gudoomiye Faysal Cali Waraabe.
May be an image of 1 person and indoor



wararka ayaa sheegaya in gudoomiyaha xisbiga Ucid uu madmadow galiyey booska uu doonayo inuu u tartamo Xildhibaan Cabdinaasir Qodax, waxaanay warar soo baxay sheegeen in xildhibaankaasi uu ka wareegayo xisbiga Ucid.

dhinaca kale war uu soo saaray xildhibaan Cabdinaasir Qodax ayuu ku sheegay inaanu wali ka tanaasulin booskii gudoomiye ku xigeenka golaha wakiilada ee uu u tartamayey waxaanu yidhi "Waxaan halkan si mugleh fariin u marinayaa dhamaan taageerayaashayda daafaha caalamka kala jooga in hankaygii ahaa gudoomiye xigeenka koowaad ee golaha wakiilada uu wali halkiisii yahay.

Waxa aan xusayaa in aan ilaa hada xildhibaanada ka soo baxay xisbiga ucid ee golaha baarlamaanku badidoodu ka midaysanyihiin taageeradayda
Alxamdulilaah ilaahayna waynu la kaashanayna,iina soo duceeya in uu alle igu guuleeyo

Loading...
Loading...