Xanuunka Labada Dabeecad (Bipolar Disorder)

0
Tuesday June 22, 2021 - 09:42:26 in Articles by
  • Visits: 1037
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xanuunka Labada Dabeecad (Bipolar Disorder)

    marar badan isku aragtay astaamo niyad jab wata. Waa astaamo aad dareentid in kabadan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

marar badan isku aragtay astaamo niyad jab wata. Waa astaamo aad dareentid in kabadan


Xanuunka ama Xaalada labada dabeecad waxa loogu yeeraa afka caafimaadka bipolar disorder, horay waxaa loogu yeeri jiray manic depression, waxaa lagu yaqaanaa dabeecad isbedbedel xad dhaaf ah, waxeyna isugu jiraan shucuur kacsan iyo niyad jab. Marka aad niyad jabsan tahay waxaad dareemeysaa rajo xumo, waxaa kaa yaraanaya rabitaanka aad ku sameyn jirtay hawlaha nolosha. Marka dareenkaagu uu kor u koco waxaad dareemeysaa farxad iyo in ay tamartaadu sareyso. Isbedbedelka dabeecadaha waxey dhacaan xiliyo kooban.


In kastoo xaaladaan ay tahay mid qasan, oo qaadata waqti dheer, waxaa lagu maareyn karaa dawooyin iyo talada dhaqtarka dhimirka.
Waa Maxay Astaamaha Lagu Garto?
Waxaa jira noocyo badan oo ah kamid ah xaaladaan, waan noocyo ku kala duwan astaamaha lagu garto.
Shuruudaha lagu baaro bipolar iyo xaaladaha la xiriira;
Bipolar I disorder. Waxaa ku soo maray hal dhacdo oo shucuur kacsan ah ayna daba socoto niyad jab
Bipolar II disorder. Waxaa ku soo maray ugu yaraan hal dhacdo oo ah niyad jab weyn, ugu yaraana socootay labo todobaad laakin ma aadan isku arkin dhacdo shucuurtaada kicisa.
Cyclothymic disorder. Waxaa kusoo maray ugu yaraan labo sano (ama hal sano caruurnimadaadi) oo aad marar badan isku aragtay astaamo niyad jab wata. Waa astaamo aad dareentid in kabadan labo bilood, astaamuhu waxey ciriiri daran saarayaan qeybo muhiim u ah nolosha.
Noocyada kale. Waxaa kamid ah astaamaha bipolar iyo xalaadaha kale ee la xiriiro ee kadhashay xanuunada qaar, sida xaalada Cushing’s, multiple scelerosis ama faalug.
Bipolar II ma ahan mid ka khafiifsan bipolar I, ee waa aqoon cudur oo kala duwan.
Waa Maxay Sababaha?
Waxa sida saxda ah u sababa xaalada bipolar ilaa iyo hadda lama garanayo, hasa yeeshee waxaa ku lug yeelan karo arrimo badan sida:
Farqi bayoloji ah. Dadka qaba xaaladaan waxey maskaxdoodu u muuqataa mid leh isbedel. Muhiimada isbedelkaan ma ahan mid ilaa iyo hada aqoon loo leeyahay, balse waxaa la rajeynaa iney ugu dambeynti caawiso sidi loo fahmi lahaa waxa sababo xaaladaan.
Fariin sidayaasha neerfaha. Isku dheeli tirnaan la’aan ka jirta kiimikooyinka maskaxda ayaa waxey u muuqataa arin qeyb weyn ka qaadata xaalad bipolar iyo xaaladaha kale ee dabeecad isbedelka.
Xaaladaan waxey caan ku tahay dadka qaba qoys lagu arkay xaaladaan sida walaal, iyo waalid.
Halista Sababi Karta
Arrimaha kor u qaadi kara in ay xaaladaan kula soo deristo ama kicin kara dhacdadaada koowaad waxaa ka mid ah:
Qoyskaaga oo lagu arko xaaladaan
Waqtiyada aad ku jirtid walwal daran
Ku xad gudubka maandooriyasha iyo khamriga
Isbedel culus oo noloshaada soo wajaho, sida geerida qof aad jeceshahay ama jug kugu dhacday
Dhibaatooyinka La Socda
Hadii aan la daweyn xaaladaan waxey dhalin kartaa dhibaatooyin daran oo saameeya qeyb kasta oo nolosha ka mid ah, waxaana ka mid ah dhibaatooyinka:
Dhibaatooyinka la xiriira isticmaalida, dawooyinka iyo khamriga, Is haligid ama iskuday is haligid ah, Dhibaatooyin xaga dhaqaalaha iyo mid sharciba, Dhibaatoyinka ilaalinta xiriirada Go’doon iyo keli nimo, Shaqo xumo ama waxbarasho xumo, Kamaqnaanshaha shaqada ama waxbarashada.

W/Q/ Mohamed Gønzalez


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...