Qorshaha Amniga Ee Doorashooyinka Soomaaliya oo la shaaciyay

0
Tuesday June 22, 2021 - 08:39:33 in News by
  • Visits: 833
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qorshaha Amniga Ee Doorashooyinka Soomaaliya oo la shaaciyay

    Qorshaha Amniga Ee Doorashooyinka Soomaaliya oo la shaaciyay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qorshaha Amniga Ee Doorashooyinka Soomaaliya oo la shaaciyay

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, ayaa sameeyay guddiga ka shaqayn doona amniga doorashooyinka Soomaaliya.

Guddiga amniga doorashooyinka ee uu magacaabay Raysal wasaare Rooble waxaa ka mid ah Taliyeyaasha Booliiska heer Fedaraal iyo heer dowlad goboleed, gobolka Banaadir iyo Taliyaha AMISOM, kuwaas oo dhamaantood la sheegay inay ku shaqeyn doonaan amarka Raysal wasaare Rooble.

Guddigan Amni, ayaa qorshahoodu yahay inay hagaan xaqiijinta hanaanka amniga ee doorashada Soomaaliya iyo goobaha ay ka dhaceyso.

Waxaa sidoo kale qorshaha amni ka mid ah in goobaha ay ka dhacayso doorashooyinka Soomaaliya la geeyo ciidamo Booliis ah oo isugu jira heer Fedaraal, heer dowlad goboleed iyo Booliiska AMISOM.

Hoos ka akhriso qorshaha Amniga oo dhameystiran.

LA WADAAG ASXAABTA



Loading...
Loading...