"KULMIYE Wuxuu Ka Gubtay Culimada Ka Hadashay Laaluushka Xaraanta Ah"..Xisbiga UCID

0
Tuesday June 22, 2021 - 08:31:10 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 962
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "KULMIYE Wuxuu Ka Gubtay Culimada Ka Hadashay Laaluushka Xaraanta Ah"..Xisbiga UCID

    "Waxa aan leeyahay culimadu xaq ayey ku adimayaan"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waxa aan leeyahay culimadu xaq ayey ku adimayaan"

Hargeysa, -(HWN)- Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID ayaa sheegay in Xukuumaddu ay faragelin ku haysay ilaa intii ay doorashooyinkii Golayaasha Degaanka iyo Wakiillad ay ka qabsoomayeen ,taas oo keentay inay Musharraxiin Xisbiga UCID ka sharraxnaa ay ka hadhaan tartanka,isla markaana xabsiga la dhigay qaar baddan.



Xoghayaha war-faafinta Xisbiga UCID Yuusuf Kayse oo arrintaas ka hadlay ayaa sheegay sidan " Xisbiga KULMIYE iyo Xukumaddiisu faragelin qaawan ayey ku sameeyeen xisbiga UCID,waad oggaydeen inta Musharrax ee Xisbiga UCID laga xidhay doorashadii oo iminkana aan dambi loo haysan ee suuqa jooga,iyadoo sababta uun ay ahayd in Xildhibaanada Xisbiga KULMIYE ka sharraxan laga reebo si uu u soo baxo,sidaa dartee Xisbiga KULMIYE faragelin ay ummadda reer Somaliland oo dhami ay markhaati ka tahay ayey ku sameeyeen Xisbiga UCID .” Yusuf Kayse Cabdilaahi.


Dhanka kalena Xoghaye Yuusuf Kayse Cabdilaahi ayaa sheegay inay sax tahay in Culimada dalku ay ka hadleen xaalada,isla markaana ay bulshada ka wacdiyaan xumaanta oo ay wanaaga faraan,waxaanu sheegay sidan:-"Waxa aan leeyahay culimadu xaq ayey ku adimayaan,waxay sheegayaan laaluushku in uu xaaraan yahay,wax kasta oo taagan wey ka hadlayaan ama masaajid haka sheegaan ama bannaan haka sheegaan.”


Geesta kalena Yuusuf Kayse Cabdilaahi,ayaa Xisbiga KULMIYE iyo Xukuumadda uga digay wax ka sheega culimadda dalka, waxaanu sheegay inay ku saxan yihiin in ay cod dheer ku sheegaan in laaluushku uu xaraan yahay "Culimadda waxa aan leeyahay ha laga xishoodo oo weliba haka xishoodaan,Xisbiga KULMIYE iyo Xukuumaddiisu.”ayuu yidhi xoghaye Yuusuf Kayse Cabdillaahi oo arrintaasi ka hadlayay.


Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ayaa shalay waxa uu dhaliilo u soo jeediyey Sheekh Xildhibaana oo salaaddii Jimce ee Toddobaadkan xukuumadda ku eedeeyey inay Musuqaamus ku rabto codka xildhibaannada.

Loading...
Loading...