Xidhiidhka Ka dhaxayn kara Dawladaha Hoose iyo Dawlad Dhexe...Waxa Qoray Iid Cali Cismaan

0
Monday June 21, 2021 - 19:13:43 in Articles by
  • Visits: 923
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xidhiidhka Ka dhaxayn kara Dawladaha Hoose iyo Dawlad Dhexe...Waxa Qoray Iid Cali Cismaan

    Xidhiidhka Ka dhaxayn kara Dawladaha Hoose iyo Dawlad Dhexe...Waxa Qoray Iid Cali Cismaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xidhiidhka Ka dhaxayn kara Dawladaha Hoose iyo Dawlad Dhexe...Waxa Qoray Iid Cali Cismaan

Taariikh kooban oo ku saabsan Dawladaha hoose Somaliland.


Waagii maxmiyada Dhulka Somaliland waxa lagu xukumi jiray dawladaha hoose Amar (Regulation) No.1 of 1953.

Waxana golihii ugu horeeyey la aasaasay 1951 kadib markii la waajibiyey inay golaha deeganku ka masuul yihiin ururinta cashuuraha & Dakhliga magaalooyinka.

Waxana jiray 6 Degmo oo leh gudoomiye magaalo (District commissioner Or DC).

Waxa ugu horeeyey samaynta gole deegaan magaalooyinka Hargaysa & Berbera.
Waxa soo raacay magaalooyinka kale 1957.

Kadib is raaci Labadii dal ee soomaaliyeed ee sameeyey (Somali Republic)
Dawlada hoose waxa lagu maamulay Xeer no14 , 14 /06/1962.

Iyadoo gobolkasta loo sameeyey Gudoomiye (Governor) ay soo magacawdo Wasaarada Arr.Guduhu.

1963 Ayaa la sameeyey xeerka mamulka Dawladaha hoose iyo doorashooyinkooda.iyadoo lagu sharaxay awoodaha iyo Shaqada gole deegaan.

Waxanay doorashadii ugu horaysay dhacday Nov 1963.

Rajadii dimoqraadiyada ee goleyaasha deegaanka waxay god madaw ku dhacday inqilaabkii Military ga ee 21 Oct 1969.

Waxana lagu soo celiyey hanaanka magacaabista (Nomination) heer degmo iyo heer gobolba.
La soo laabashadii Somaliland waxa dib loo aasaasay dimoqraadiyada golaha deeganka oo ku dhisan qodobka 22 ee axdi qarameedkii (Somaliland National Charter 1993) & Dastuurkii ku meel gaadhka 1997 (Somaliland interim constitution 1997).

Ugu danbayn waxay ku dhisan yihiin dawladaha hoose Dastuurka rasmiga Ee Somaliland qodobadiisa 109 & 112.

Biyo dhaca qoraal taariikheedkani.

Waxa uu si kooban u daaran yahay wada shaqaynta ka dhaxayn karta dawladaha hoose iyo Dawlad dhexe si kooban.

1.Soo magaacabida xog-hayaha oo ka mid ah gudida fulinta dawlada hoose.

2.Bixinta kabka iyo u qabashada cashuuraha dawlada dhexe u qabato dawladaha hoose.
3.Mashaariicaha Horumarineed ee hayadaha iyo dawladuhu ku caawiyaan/U qorsheeyaan dawladaha hoose.

Ugu danbayn goleyaasha dawladaha hoose waa la soo doortay ee maaha shaqaale u shaqeeya Wasaaradda Arr.Gudaha.

Waxase ka dhexeeya xidhiidh wada shaqayneed oo ku dhisan sharci qeexaya hanaanka ay u wada shaqaynayaan.

W/Qoray:- Eid Ali Osman (Gaddafi)
0
People Reached
4
Engagements
Distribution Score
 
 
4 Shares
Like
 
 
Comment
 
Share
 
 

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...