Xoghayaha Fulinta Degmada Wajaale Oo Baaq Ka Soo Saaray Xuska 18-ka May Iyo Fariin Uu U Diray Ganacsatada

0
Saturday May 11, 2019 - 17:43:54 in News by G. Good
  • Visits: 986
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xoghayaha Fulinta Degmada Wajaale Oo Baaq Ka Soo Saaray Xuska 18-ka May Iyo Fariin Uu U Diray Ganacsatada

    Xoghayaha Fulinta Degmada Wajaale Oo Baaq Ka Soo Saaray Xuska 18-ka May Iyo Fariin Uu U Diray Ganacsatada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xoghayaha Fulinta Degmada Wajaale Oo Baaq Ka Soo Saaray Xuska 18-ka May Iyo Fariin Uu U Diray Ganacsatada


Tog-Wajaale(HWN)-Gudoomiye Kuxigeenka Degmada iyo Xoghayaha Fulinta Maamulka D/hoose ee Degmada Tog-Wajaale Cabdilaahi Xasan Samaale ayaa ku baaqey qabanqaabada Xuska Maalinta Qaranimada Somaliland ee 18ka May Taas oo Sanad Walba Degmada Tog-Wajaale sigaar ah looga xuso, Maadaama ay kamid Tahey Magaalooyinka ugu Waaweyn dhinaca Xuduudaha ee Munaasibadan oo kale laga dareemo Dalka aynu dariska nahey ee Itoobiya,oo andhayaa Mangadhka TogWajaale ina Xidhiidhiyo.


Lis Dairy

 


Xoghayaha Fulinta Maamulka D/hoose ee Degmada Tog-Wajaale Cabdilaahi Xasan Samaale oo lahadley Warbaahinta kala Duduwan Waxa uu Sheegay in ay ka Degmo ahaan siweyn u xoojinayaan Xuska Maalinta Qaranimada ee 18ka May islamarkaana, looga baahan yahey Shirkadaha Gaadiidka isaga goosha Caasimada Hargeysa iyo Tog-Wajaale ee kuleh Tog-Wajaale Xafiisyadda dhamaan Ganacsatadda,Xamaaliinta iyo Ururadda Bulshada ee Degmada Tog-Wajaale in si Xoog ah loogu Diyaargaroobo oo ay dhamaan Soo qaataan Shirkadahaasi Calanadii iyo Astaantii Qaranka oo dhan.


 

"Maalinta Qaranimada ee 18ka May Waa in Siweyn loo Xusaa ka Degmo ahaan Tog-Wajaale ka Maamul ahaana Waxaanu go.aan ku gaadhney in Aanu Si xoog ag uga hawlgalno oo ugu baaqno dhamaanb Shirkadaha Gaadiidka ee halkan Xafiisyadda ku leh, ganacsatada,Xamaaliinta, iyo dhamaan Qeybaha bulshada Waxaananu ugu baaqeynaa in ay Dhamaantood soo qaataan Calanaddii iyo Astaantii Qaranka Waxaananu kormeerka Koowaad Samaynaynaa 10ka Bisha oo Maamulkayagu Shirkad kasta ku kormeeri doono u Diyaargarawga Xuska.Maalinta Qaranimada Somaliland Waxaana loo baahan yahey in laga Shaqeeyo bilicda iyo Nidaamka Qorshaha Magaalada oo aan Waxba laga badelin" Ayuu yidhi Xoghayaha D/Hoose ee Degmada Togwajaale Cabdilaahi Xasan Samaale.


 

Waxa kale oo isaguna halkaa fariintiisa ka gudbiyay Gudoomiye Kuxigeenka Degmada Tog-Wajaale Mursal Nuux oo isaguna Sheegay in Cidii qorshaha Wax ka baddela ay u Dalban Doonaan Cagafta D/hoose soo iibsatey.


 


Dhinaca kale Magaalada Tog-Wajaale ayaa siweyn looga Dareemayaa u Diyaargarawga Xuska Maalinta Qaranimada Somaliland iyadoo Meherad Walba lagu Taagey Calanka Jamhuuriyada Somaliland oo ka babanaya Guud ahaanba Magaalada

 

Loading...
Loading...